Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug ayaa maanta waxa uu Hub, Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo kala wareegay beel ka mid ah beelaha dega gobalka Mudug.
Odoyaasha iyo Waxgaradka Beesha reer Jalaf Sacad ayaa dowlada Galmudug ku wareejiyay Gaadiid dagaal oo ay saaran yihiin Qoryo, Ciidamo iyo Hubkooda, waxayna qaarkood sheegeen inay ka go’an tahay la shaqaynta dowladooda isla markaana ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ay mas’uul ka tahay dowlada Galmudug kuna wareejiyeen iyaga iyo hubkooda.
Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa si weyn ugu mahadceliyay Beesha reer Jalaf Sacad, waxuuna tilmaamay inay dowladiisa awoodda ugu weyn saari doonto dhanka Amniga.
Madaxweynaha waxuu hoosta ka xariiqay in ciidamada beeshaasi ka tirsanaa xiligaan waxii ka dambeeya ka tirsan yihiin dowladda Galmudug lana ciidamin doono oo Mushaar iyo wax kasta oo Askari u baahan yahay loo dhameystiri doono.
Dhanka kale, Madaxweynaha dowlada Galmudug ayaa maanta isku dhafay ciidamo beeleedyo maalmihii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Gaalkacyo, waxuuna Madaxweynaha la hadlay ciidamadaasi isagoo kula dardaarmay inay Midoobaan kana shaqeeyaan sugidda amniga deegaanada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya, waxuuna tilmaamay inay yihiin xiligaan ciidamo ka tirsan dowlad Galmudug iskana iloobaan beelo beelihii hore una soo jeestaan xoreynta deegaanada sharwadayaasha al-Shabaab gacanta ugu jira ee Galmudug ka tirsan iyo sugida amniga guud ee Galmudug.