Kulankani oo ay ka qeybgaleen in ka badan 400 oo qofood loogana hadlayay doorka ay ururada bulshada rayidka ah ka qaadan karaan Hanaanka loo marayo doorashooyinka 2016-ka, islamarkaana ay soo qaban qabisay Hey`adda EISA oo ka shaqeysa arrimaha doorashooyinka Africa ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa intii uu socday waxaa la isku dhaafsaday argatiyo ku aaddan waddada ugu fudud ee lagu gaari karo hiigsiga 2016-ka maaddaama ay dowladda Faderaalka ay horey ugu dhawaaqday in dalka ay ka dhici karin xiligan doorasho qof iyo cod ah iyagoona isku raacay in Xalka ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto in laga gudbo 4.5 oo ah hananka xiligani wax lagu qeybsado.
C/qani Cabdi Jaamac oo xubin ka ah guddi howleedka Madasha wadashiga Qaran ayaa sheegay in loo baahanyahay in loo istaago midnimada ummadsa Soomaaliyeed islmarkaan meesha laga saaro danta gaarka ah.
Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay kulanakasi ayaa muujiyay doorka ay ka qadankaraan bulshada rayidka ah samata bixinta Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ay bogaadiyeen in la joogteeyo kulamada noocaan oo kale oo looga hadlayo masiirka umadda Soomaaliyeed.