Thursday, March 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Sannad Guuradii Koowaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo laga Xusay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Sannad Guuradii Koowaad ee Maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo laga Xusay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ah ,Wakiillo ka socday Beesha Caalamka iyo Madaxda Maamul Gobolleedka Koofur galbeed Soomaaliya  ayaa waxa ay ka qeybgaleen Munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 1-aad ee kasoo wareegtay dhismaha Maamulka Koofur Galbeed Munaasabadaasi oo lagu qabtay Magaalada Beydhabo.

Dhammaan Xubnihii ka qayb galay munaasabadda ayaa Aad ugu mahad celiyay Madaxweynaha Mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudadii koobnayd shaqadii uu ka qabtay deegaannada uu ka Arrimiyo maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

Related posts

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan ayaa Ammaanay Wasiirrada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya Muddadii sanadka ahayd Shaqooyinkii Ay u qabteen dadka ka soo jeeda deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed uu ka taliyo.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Ugu dambayntii munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM Guulihii ay ka gaareen howlgalkii loogu magacdaray Jubba kaas oo ka dhacay Gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in uu sii xoojin doono Shaqada uu hayo Maamulkiisu.

Previous Post

Xildhibaan Dalxa: 48saac ayaa loo qabtay in lagu soo ogaado darbiga ay Kenya ka dhisayso Xadka Soomaaliya

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia: Si dhow ayaan u la shaqayn doonnaa Galmudug

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia: Si dhow ayaan u la shaqayn doonnaa Galmudug

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethopia: Si dhow ayaan u la shaqayn doonnaa Galmudug

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

March 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kormeer shaqo ugu tegay cutubyo ka tirsan ciidamada oo ku sugan...

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

Wasaaradda Qoyska oo New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed

March 19, 2026
0

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ayaa magaalada New York ku qabatay kulan ballaaran oo ku saabsan horumarinta haweenka Soomaaliyeed....

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

Mashruuca Zakaatul Fitriga oo si rasmi ah loo soo gabagabeeyey maalintiisii labaad

March 18, 2026
0

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Al-Mahasin Foundation, ayaa maanta si rasmi ah u soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

Guddoomiyaha SoDMA oo soo bandhigay istaraatijiyadda Hay’adda ee 2026-ka

March 18, 2026
0

Gudoomiyaha Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa soo bandhigay qeyb ka mid ah istiraatiijiyadda cusub ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In