Saturday, August 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha Ciidanka X.D.S “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga” “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
November 24, 2015
in Wararka
0
Taliyaha Ciidanka X.D.S “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga” “Sawirro”

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur geliyey xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin Ciidanka wuxuu ku tagey xeryaha  ay dagan yihiin Ciidamadda Xoogga dalka ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo  uu kula hadlay ciidamadda Xooga dalka ee dhawaan isku dhafka lagu sameeyey. Isagoo sidoo kale tagey Dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo.


Taliyaha  ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka maadaama ay nasiib u yeesheen in ay noqdaan ciidankii ugu horeeyey ee Isku dhaf lagu sameeyey “Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri  Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

“Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamadii Qaranka oo loo sugi lahaa Xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran. Waxaan idiin sheegayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqotaan ciidankii ugu horeeyey ee la isku dhafo”.

“Taliska Xoogga dalka Soomaaliya waxba dib uma dhiganayo si loo dhiso dhammaan qaybihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo la doonayo inay ka yimaadaan dhammaan gobolada dalka. Ciidamada waa la isku dhafayaa, waxana laga wada qorayaa dalka oo dhan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed.

Ugu danbeyn, Taliyaha iyo Wafdiga la socday oo ay weheliyeen saraakiisha Ciidamadda ee deegaanadda Jubbooyinka  ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Akeedeemiyo ee duleedka Kismaayo iyo xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo. Waxana uu Taliyuhu kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Dekadda weyn halkaas oo ay ka soconayeen xiligii uu booqonayay shaqo maalmeedka caadiga ah.
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
?????????????
Previous Post

Maamulka Degmada Hiliwaa Oo Dayactir Ka Bilaabay Wadada Isku Xirta Isgoyska Sos Iyo Waxarcade

Next Post

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

Next Post
Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo  Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha  Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay “Sawirro”

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Arrimaha Roobabka Dabeylaha Wata Ee La Saadaaliyay "Sawirro"

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025

August 1, 2025
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 1-da August, 2025 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay...

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda.

August 1, 2025
0

Soomaaliya iyo Wadamada Urur Goboleedka Koonfur Bari Aasiya oo Xoojinaya Xiriirkooda. 1-da Agoosto 2025, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga...

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

Daacish Baxsad ah oo lagu qabtay Gobolka Barri.

August 1, 2025
0

Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay labo kamid ah maleeshiyaadka Kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayey Buuraleyda...

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

Ergay Mareykan ah oo booqanaya Gaza iyo dad raashin doon ah oo la dilay

August 1, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka Steve Witkoff ayaa maanta booqanaya Gaza si uu u kormeero goobaha cuntada lagu qaybiyo, sida...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In