Tuesday, June 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed ku gaaray Gaalkacyo- SAWIRRO

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Puntland iyo Galmudug oo heshiis nabadeed ku gaaray Gaalkacyo- SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug Dr. Cabdiweli Maxamed Cali iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta heshiis rasmi ah ka gaaray colaadii ka aloosneyd magaalada Gaalkacyo, waxaana heshiiskani goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Mudane Cumar Cabdirashid Sharmarke, madaxweyne-yaasha Koofur Galbeed Shariif Xasan Aadan, iyo Jubbaland Axmad Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, xildhibaano, nabadoono, iyo mas’uuliyiin mataleysay beesha caalamka.

Munaasabad ka dhacday garoonka Gaalkacyo ayaa waxaa si fool ka fool ah isugu soo hor fariistay labada hogaamiye, waxayna qalinka ku duugeen heshiis ka kooban afar qodob.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid oo goobta ka hadlay ayaa uga mahadceliyay hogaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Galmudug sida ay ugu hogaansameen qodobada heshiiska, waxa uuna xusay in heshiiskani uu hormuud u noqdo nabad iyo isfaham dhex mara maamulada deriska ah.

“Gaalkacyo waxay halbowle u tahay nabadda iyo xasiloonida dalka, waxaana rajeynayaa in heshiiskani uu hormuud u noqdo dhameystirka is fahmi waaga jira, waxaana ku adkeynayaa hogaamiyeyaasha Puntland iyo Galmudug inay illaaliyaan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo munaasabada ka hadlay ayaa xusay in dhankooda ay dhaqangelinayaan, isla markaana rajeynayaa in dagaal iyo dhibaato intaas looga gudbo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa isna dhankiisa sheegay in Galmudug ay dhankooda dhaqangelinayaan, ayna illaalinayaan qodobada heshiiska.

Ugu dambeyntiina, waxaa loo mahadceliyay Madaxweyneyaasha Koofur Galbeed iyo Jubbaland, oo iyagu maalmihii u dambeeyey ku sugnaa gobolada dhexe, si loo baajiyo dhiiga iyo colaada Gaalkacyo.

Heshiiskan ayaa ka kooban; In xabadda la joojiyo, In ciidamda la kala qaado, In dadkii barakacay magaallada dib loogu soo celiyo iyo in guddi labada dhinac iyo dowlada federaalka ah la sameeyo si xal waara looga gaaro khilaafka Gaalkacyo.

hishiis12316469_10201015001572492_7333089179488445047_n-2
111254916810

Previous Post

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo dalka dib ugu soo laabtey

Next Post

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka Doodaya in Ciidamada UK ay ka qaybqaataan Duqeynta Siiriya

Next Post
Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka Doodaya in Ciidamada UK  ay ka qaybqaataan Duqeynta Siiriya

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ka Doodaya in Ciidamada UK ay ka qaybqaataan Duqeynta Siiriya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka  Suudaan ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay Safiirka Suudaan ee Soomaaliya

June 28, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta...

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo kormeeray xerada Jeneraal Gordon

June 28, 2026
0

Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda iyo Midnimada Qaranka ayaa maanta kormeer ku tegay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho. Guddiga ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Itoobiya

June 28, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ku gaaray, magaalada Addis...

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

Danjire Jaamac oo kulamo miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Macdanta iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga ee Burkina Faso

June 28, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Dalka Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Macdanta iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In