Friday, September 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo soo xiray shirka madasha heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya (HLPF)+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka, Xulashada
0
Madaxweynaha oo soo xiray shirka madasha heerka sare ee waddamada iyo hay’adaha iskaashiga la leh Soomaaliya (HLPF)+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay Shir loogu diyaar-garoobayo Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga bisha February ee sannadka 2016-ka.

Shirkan halka maalin socday ayaa sidoo kale lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka.
Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026

Waxaa madasha maanta looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Cahdiga Cusub (New Deal).

Barnaamijka Cahdiga Cusub ayaa ah hab la isugu dubbarido kaalmada la siiyo Soomaaliya, iyado saddexdii sanno ee la soo dhaafay lacag dhan 650 milyan oo dollar lagu bixiyey barnaamijyo ay isku afgarteen dowladda iyo beesha caalamka.

Dhanka siyaasadda, waxaa hirka looga hadley arrimaha hannaanka doorasho ee dalku qaadan doono, taageerada loo baahan yahay si loo dhaqan-geliyo doorashada, dib u eegista dastuurka iyo dhammeystirka dhismaha maamul goboleedyada.

Waxaa dhanka amniga shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda.

Arrimaha maaliyadda iyo dib u soo kabashada ayaa ka mid ah waxyaabaha laga munaaqishooday, iyadoo si gaar ah loo xusay maamulka maaliyadda, miisaaniyadda, doorka muhiimka ah ee kaabeyaasha dhaqaalaha ka qaadan karaan kobcinta dhaqaalaha.

Waxaa iyana hordhac ahaan uu shirka uga hadley sidii loo diyaarin lahaa qorshe heer qaran oo dhinaca horumarinta waddanka, kaas oo beddeli doona barnaamijka haatan socda ee Cahdiga Cusub oo afar jirsadey.

Shirka maanta waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

2 3 4 5 6 7 8 unnamed

Previous Post

Galmudug oo sheegtay iney wadahadal la yeelaneyso maamulka Ahlusunna

Next Post

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Afar gaadiidka martida ah ka heshay Dowladda Korea “Sawirro”

Next Post
Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Afar gaadiidka martida ah ka heshay Dowladda Korea “Sawirro”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Afar gaadiidka martida ah ka heshay Dowladda Korea "Sawirro"

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐰𝐚𝐚𝐪𝐚𝐲 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐭𝐚𝐫𝐭𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐝𝐨𝐨𝐫-𝐬𝐨𝐨𝐜𝐚𝐬𝐡𝐨

September 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, Isaga oo ka duulaya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Qodobka 161aad...

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo ka qeybgalay shirka u diyaar-garowga El Niño ee Geeska Afrika

September 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qaybgalay Shir Heerkiisu...

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

Wasiirka Qoyska XFS & Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka oo isku raacay wada-shaqeynta labada dhinac

September 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed iyo Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin...

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha  labada dal

Soomaaliya iyo Nigeria oo ka wada hadlay Danaha labada dal

September 16, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan UNEP iyo UN-Habitat, Mudane...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In