Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 11, 2015
in Wararka
0
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Kan Puntaland oo Beeniyay in Dhaawacyadii Gaalkacyo laga keenay lakala faquuqay” Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Caafimaadka  Dawladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed  iyo Wasriika CaafimaadkPuntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke oo galabta markale booqday Cusbitalka Digfeer  isla markaasina xog-waraystay Agaasimaha Guud ee Cusbitalka iyo Dhakhtarka Qalliinka ayaa  si wada jir ah uga warbixiyey  hadallo maalman lagu buun buuninayey baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Hadalladaas  oo ahaa in dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacyo ee u dhexeeyey labada dhinac ee  Puntland iyo Galmudug dhinac kamid ah dhaawacyadoodii dibadda loo qaaday halka dhinici kalena aan dhaawacyadoodii waxba laga qaban.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Subaxnimadii hore ee saaka booqday dhaawacyada jiifa cusbitaalka ayaa ku guuleystey inuu wasiirka caafimaadka Dawladda Federaalka horgeeyo Maamulka Cusbitalka iyo dhakhaatiirta ka hawl gala  oo lagu eedeeyey inaanay u hagar bixin bukaanada jiifa cusbitalka.

Kadib kulan dheer oo is xog waraysi ah oo dhexmaray labada wasiir iyo maamulka Cusbitaalka ayaa maamulka iyo dhakhaatiirtuba kubeeniyeen inaan hadalladaasi waxba kajirin isla mar ahaantaana waxay uga warbixiyeen wasiirka Caasimaadka Dowladda Dhexe iyo Wasiirka Caafimaadka Maamulka Puntaland xaaladda dhabta ah ee bukaanada jiifa Cusbitaalka.

Is xog waraysi badan kadib ayey shir jaraa’id oo ay warfidiyeenka u qabteen waxa ay ku caddeeyeen in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay tahay mid wanaagsan isla markaasina ay hawl wadeenada cusbataalku u heelanyihiin habeen iyo maalinba sidii loo dabiibi lahaa bukaanada jiifa cusbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa meesha ka saaray hadalka oranayaa dhaawacyadii gaalkacyo ayaa lakala faquuqay waxaana uu intaasi raaciyey  labadii dhinac ee iska soo horjeedey markii hore  inay hadda meel wada jiifaan oo meel wax kuwada cunayaan.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay dadka soomaalida ahi isku mid yihiin isla markaasina aanay  waxba kajirin haddalan la buun-buuninayo oo tilmaamaya kala faquuq lagu sameeyey dhaawac yadii Gaalkacyo, iyadoona ugu baaqday dadka hadalladaasi faafinaya in  ay ka waantoobaan waxyaabaha kala fogeynaya ummadda soomaaliyeed.

IMG_6929 IMG_6932 IMG_6941 IMG_6949 IMG_6957 IMG_6966 IMG_6973  IMG_6979 IMG_7003 IMG_7012

 

 

 

 

Previous Post

Dhibaatada lagu qabo qaadashada sharciga Koonfur Afrika oo laga hadlay “SAWIRRO”

Next Post

Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro”

Next Post
Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa”Sawirro”

Caasimada Burundi ee Bujumbura oo xaaladeeda sii xumaanaysa"Sawirro"

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In