Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
December 12, 2015
in Wararka
0
Wasaaradda macdanta iyo Batroolka oo daah furtay  dhisme cusub oo wasaaradu ku shaqeyn doonto “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

SAXAAFADEED :- Muqdisho, December 9, 2015. Waxaa maanta la qabtay xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta taas oo ku taala bartamaha magaalada Muqdisho, isla markaana Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas.

Xarunta cusub ee Wasaaradda waxay u dhowdahay Barlamaankii hore ee Soomaaliya ee sanadihii 60-dameeyadii. Labadii sano ee la soo dhaafeey, Wasaaradda waxa ay ku shaqeyn jirtey dhismaha Wasaaradda Waxbarashada. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha.

Related posts

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025

Isla munaasabaddaas, shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay qeeb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo Soma Oil & Gas.

Mudane Mohamed Mukhtar Ibrahim, Wasiirka Batroolka & Macdanta ayaa yiri: “Daah furitaanka dhismaha cusub ee Wasaaradda waa aqbaar fiican gaar ahaan xilii dowladda culus ka haysto dib u dhiska hay’adaha qaranka”. Dhismahani waxa uu yeelanayaa Qolka Keeydka Xogta (Data Room) taas oo muhiim u ah horumarinta baarista shidaalka Soomaliyeed. Haddii la rabo in ay Soomaaliya soo saarto shidaal, horumar dhaqaalana gaarto, waxaa muhiim ah in marka hore la aruuriyo xog, lanana diyaariyo aqoonyahanno Soomaliyeed of fahmikara xogtaa. “Qolka Keeydka Xogta” waxa lagu xafidayaa macluumadka ahmiyadda gaarka u leh Wasaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo ciddi iskashi ganacsi-wadaag la leh, waxaana xogtaan laga iibinayaa dadka danaynaya in ay Soomaaliya maalgashadaan.

Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta sokeye eeka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

Qolka Keeydka Xogta waxaa la dhigi doonaa:

  1. Xogta oo wali sideeda ah oo aan la fasirin (Raw data);
  2. Xogta oo laga baraandagey (Processed data);
  3. Xogta la turjumay (Interpreted data);
  4. Xogta laga keenay midda laga baraandageey iyo midda la turjumay (Derivative data from processed and interpreted data);
  5. Xogaha hore ee ay Soma Oil & Gas ka soo heshay meelo kale sii eey uu fahamto jiyoolojiyadda Soomaaliya.

Helida xog dhameestiran waa qeeb ka mid ah qorshaha guud ee lagu horumarinaayo baarista shidaalka Soomaaliya. Waxybaaha kale ee ay Wasaaraddu wado waxaa ka mid ah sidii Soomaalida u yeelan lahayeen aragti mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga arimaha shidaalka, diyaarinta sharuucda iyo heshiiska wadaaga waxsoosaarka, sameynta Shirkada Shidaalka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Nidaaminta Shidaalka.

Dhamaad.

3V3A66693V3A6592 3V3A6606

Previous Post

Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Next Post

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Next Post
Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda  Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Agaasimaha Radio Muqdisho oo kulamo la yeeshay Madaxda Ururada Idaacadaha Carabta iyo Yurub

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In