Saturday, January 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha oo furay shirka madasha Wada-tashiga heerka Qaran
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay wajiga labaad ee Shirka madasha wada-tashiga heerka Qaran ee looga arrinsanayo doorashada sanadka 2016 lagu wado inay ka dhacdo dalka.

Shirka oo socon doona muddo labo maalmood ah waxaa ka qeyb-galaya madaxda dowladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada, bulshada rayidka ah iyo wakiilo ka kala socda beesha caalamka, waxaana inta uu socda shirka lagu falaqeyn doonaa aragtida doorashooyinka ka dhici doona Soomaaliya,

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si isku mid ay u soo jeediyeen in doorashada sanadka 2016-ka ay noqoto mid lagu saleeyo dhanka deegaanka oo laga gudbo nidaamka qabiilka ku saleysan ee 4.5.

Sidoo kale Madaxweynayaasha Dowlad goboleedyada Galmdug iyo Koonfur galbeed ayaa dhankooda soo jeediyay in hanaanka doorashada sanadka 2016-ka laga dhigo mid ku saleysan nidaamkii la maray doorashadii sanadkii 2012-ka ee ah nidaamka qabiilka 4.5, inta laga gaarayo doorasho guud oo lagu qaban karo guud ahaan gobolada dalka.

Wakiilada beesha caalamka oo shirka ka hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aanada ka soo baxay shirka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo isna shirka hadal kooban ka jeediyay ayaa tilmaamay in xukuumadda ay dadaal ugu jirto sidii doorasho ay uga dhici lahayd guud ahaan dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in madaxda ka qeybgalaysa shirka looga fadhiyo inay la yimaadaan aragti mid ah, si loo helo hanaan doorasho

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay shirka ayaa sheegay in dowladda ay tixgelineyso aragtida laga soo uruurriyay shirarkii wada tashiga, waxaana uu Madaxweynuhu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay ka soo bixi doonaan guulo wax ku ool ah

Previous Post

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar oo dib u dayactir lagu sameeyay

Next Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Next Post
Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland “SAWIRRO”

Kulan loogu duceynayay Marxuum Hindiya Xaaji oo lagu qabtay Holland "SAWIRRO"

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

The Government of Somalia has issued a statement regarding the attack on the Qatar Embassy in Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- The Federal Republic of Somalia expresses its profound concern over the damage sustained by the Embassy of the...

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii Safaaradda Qatar ee dalka Ukraine

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed kasoo saartay weerarkii safaaradda dowladda Qatar...

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

Duqa Muqdisho oo xarig jaray Parking cusub oo lagu soo kordhiyay garoonka Aadan Cadde

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen(Muungaab),ayaa maanta xarigga ka jaray Parking cusub oo casri ah oo...

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

Safiirka Soomaaliya ee South Africa oo ka qayb galay shirka Safiirrada Caalamka

January 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Danjiraha JFS ee South Africa Amb. Mohamed Sheikh issak, ayaa shalay uga qeybgalay shir Magaalada Rustenburg ee gobalka Northwest...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In