Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir uu uga qeyb galay dalka Austria “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Taliyaha ciidanka Asluubta oo ka hadlay shir uu uga qeyb galay dalka Austria “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ka warbixiyay shir looga hadlayay xabsiyada oo lagu qabtay dalka Austria, isagoo dhanka kale hambalyo ku aadan 72aad guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska u diray ciidamada meelkasta oo ay joogaan.

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaan sheegay in dalka Austria uu uga geyb galay shir looga hadlayay arrimaha xabsiyada, waxaana uu intaa ku daray in shirka ay ku soo gabo gabowday guulo wax ku ool ah

Related posts

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026

“Shirka waxaan ka jeediyay xaaladda ay ku suganyihiin xabsiyada Soomaalida, caqabadaha naga heysta xagga qalabka, baahida aan u qabno in aan helno tababbaro iyo nagala saacido sida maxaabiista loo bari lahaa xirfado ay beri ku shaqeysan karaan, waxana rajeyneynaa inay wax wanaagsan nooga soo baxaan” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa xusay in uu kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Jarmalka oo uu kala hadlay sidii ay tababbaro u siin lahaayeen ciidanka Asluubta, maadaama ay kolkii hore ay gacan ka geysan jireen caawinta ciidanka Asluubta, isagoo intaa ku daray in sidoo kale uu kulamo gaar gaar ah la qaatay wakiilada dowladihii shirka ka qeyb galay.

Sareeye Gaas Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) ayaa ciidanka booliska ugu hambalyeeyay xuska 72aad guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka.

“Waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taliyaha, taliye-xigeennada, sareeyayaasha, saraakiisha, kormeerayaasha, sareeyo xigeenada, alifleyda iyo dableyda ciidanka boliiska Soomaaliyeed iyo Qoysaskooduba, hambalyo kal iyo laab ah, ku damaashaada, farxad, sanadka sanadkiisana ku gaara guul iyo horumar, Ummaddiinu way idiin hanweyn tahay, waana hubaa inaad xasilinta amnigooda iyo ilaalinta naftooda iyo hantidooda aad har iyo habeen u taagantihiin” ayuu yiri Sareeyo Gaas Bashiir Maxamed Jaamac.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo dhameystiran

100114_001

 

 

 

Previous Post

Xuska 72 guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka booliska oo ka socoto Jeneraal Kaahiye

Next Post

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Next Post
Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Sareeyo Gaas Shariif Sheekhuna “Boolisku waa saaxiibka dhabta ah ee bulshada“

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo qaabilay Dr. Axmed Fiqi Elmi

August 26, 2026
0

Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Amb. Maxamed Cali Nuur Ameeriko, ayaa maanta ku qaabilay xarunta Dekedda Muqdisho Dr. Axmed Fiqi Elmi, kulankaan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐬𝐚𝐟𝐚𝐫 𝐬𝐡𝐚𝐪𝐨 𝐮𝐠𝐮 𝐚𝐦𝐛𝐚𝐛𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐭𝐚𝐫

August 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ugu ambabaxay dalka Qatar, kadib casuumaad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In