Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamadda ciidanka qalabka sida oo amartay maleeshiyaadka hubeysan ee Beledweyne ay hubka soo wareejiyaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 27, 2015
in Wararka
0
BELEDWEYNE: Ciidamada dowladda oo ka hor tagay weerar ay Al-Shabaab soo qaadeen
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in tallaabo adag ay ka qaadayso ciddii lagu helaa inay ka qeyb qaadatay dagaal beeleedyadii ka dhacay Gobolka Hiiraan, gaar ahaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan gobolka.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa tilmaamay in maxkamadda ay sameyneyso baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan in ciidanka dowladda ay ku luglahaayeen dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, gaar ahaan tan Beledweyne.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

“Horey waxaa jirtay dagaal beeleedyo ka dhacay qaar ka mid ah gobollada dalka, oo ciidanka dowladda lagu eedeeyay inay qeyb ku lahaayeen, balse baaritaannoo dheer kadib waxaa inoo soo baxday in arrintaasi aysan wax ka jirin, waxaan rabaa in aan markale ku celiyo haddii ay jirto ciidan xitaa si af ah uga qeyb qaatay dagaal beeleedyada in maxkamadda ciidanka qalabka sida ay tallaaabo ka qaadayso”.ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa ugu baaqay dhallinyarada hubeysan ee aan ciidanka dowladda ka tirsaneyn ee ku sugan Beledweyne inay hubka soo wareejiyaan, isagoo ka digay in ciddi fulin weysa laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

“Waxaan rabnaa in aan fariin u dirno kooxaha maleeshiyaadka hubeysan ah ee aan ciidanka ka tirsaneyn, isla markaana hubkooda shacabka ku dhibaateynaya in maxkamadda tallaabo cad ka qaadi doonto, waxaana la rabaa inay iska soo diiwaan geliyaan xarunta Maxkamadda oo ay hubka soo wareejiyaan, ayna fuliyaan awaamiirtii ka soo baxday maamulka gobolka oo ahayd inay soo xaroodaan” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda.

Previous Post

Ganacsatada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada Wararka ee Radio Muqdisho

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In