Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Miisaniyadda dowladda oo maanta barlamanaku ansixiyay oo ah 246 Milyan oo Dolarka Marayskan ah ayaa waxaa qeyb ka ah qarasha lagu bixinayo mushaaradka ka maqan shaqalaha dowladda iyo ciidaamada qalabka sida ee sanadka 2015-ki, waxaana sanadkaan hal ku dhig looga dhigay miisaniyadda Qaranka waa ku tiirsananta dhaqalaheena.
Wasiirka Maliyadda ee xukumadda Soomaaliya oo hadalka ka jeediyey kulanka Barlanka ayaa xusay in anxisanta misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya laga cafiyo daymo lagu lahaa.
Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalle Cawad oo kulanka barlamanka shirguddoominayey ayaa ku dhawaaqay natiijada codka lagu meelmariyey miisaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka.
Samaynta miisaniyadda ay yeelato dowladda Federaalka ayaa sahlaysa habka isla xisaabtanka hufan ee hay’addaha kale duwan ee dowladda, taas oo horseedaysa in dalkeenu ka mid noqdo dalalka ku horumaray hagaajinta maamulka wanaagga.