Monday, June 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Booqday Tuulada Dayenno Ee Galgaduud “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wafdi Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Booqday Tuulada Dayenno Ee Galgaduud “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa booqday tuulada Dayenno oo 17-KM ka xigta waqooyi ka xigta Magaalada Cadaado.

Madaxweyne ku xigeenka booqashadiisa waxaa ku wehliyay qaar ka tirsan golaha Wasiirada dowlad goboleedka Galmudug sida Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Mudane Hussein Qaasim Yuusuf Iidow, Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo dowlada hoose Cumar Maxamed Diiriye Guureeye, Wasiirka Amniga Cismaan Ciise Nuur (Taar-dhuleed), Wasiirka Kaluumeysiga Xasan Maxamed Warsame Gurey, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Iyo Duulista Hawada Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin, Wasiirka Maaliyada Cali Sacid Cumar Ibraahim,Wasiir K/xigeenka Garsoorka iyo Dib u Hesiishiinta Maxamed Xayer Nuur, Taliyaha Nabadsugida Galmudug Saadaq Cumar Xasan iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Galmudug Cabdi Jaamac Cabdulle (Xabeeb)

Related posts

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026

Madaxda Maamulka Galmudug ayaa la kulantay dadka ku dhaqan Tuulada Dayeenno ayaa oo isugu jiray Odayaal dhaqmeedyo, Hooyooyin, Aqoonyahano iyo Dhalinyaro waxaana ay shacabka deegaanka Dayenno sheegeen baahida jira ee deegaan oo ay doonayaan in dowladu ay ka caawiso sida Baahida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka iyo Maamul u samaynta.

 Wasiirka Amniga ayaa sheegay inay tahay muhiim in dadka deegaanku la shaqeeyaan maamulka isla markaana Odayaasha aysan taageerin Dhalinyarada Jidka gala iyo  inaysan marka lasoo qabto qof burcad ah oo Isbaaro lagu qabto uusan iyaga Qabiil ahaan ugu dhaxdhuuman oo aysan ku difaacin Qabiil qofkii lagu soo qabto Isbaaro.

 Ugu dabeyuntii  Madaxweyne ku-xigeenka DG Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa u balan qaaday dadka deegaanka in wax laga qaban doono cabashada baahidooda oo ay kamid yihiin in la dhiso Ciidanka Booliska deegaanka lagana taakulayn doono qalabka iyo mushaarka Ciidanka.

 Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay inay sameyn doonaan goob daboosha dhamaan baahiyada caafimaad ee deegaanka Dayeenno iyo in Waxbarashada Iskuulka Dayeenno ay si bixin doonaan Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanda DG Galmudug inta laga gaaray Qorshaha Maaliyadda Sanadka.

dayanno (1) dayanno (2) dayanno (3) dayanno (4) dayanno (5) dayanno (6) dayanno (7) dayanno (8) dayanno (9) dayanno (10) dayanno (11) dayanno (12) dayanno (13)

Previous Post

Dhageyso warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Barnamijka Dhacdooyinka Maanta Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

Waxqabadkii Xukuumadda DanQaran ee afartii sano ee la soo dhaafay

June 15, 2026
0

AMNIGA • Xoreynta deegaanno iyo magaalooyin ka badan 120 oo horay uga maqnaa gacanta dowladda. • Xaqiijinta amniga caasimadda Muqdisho....

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

Daahfurka Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

June 15, 2026
0

Muqdisho – Waxaa maanta si rasmi ah loo daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir, Sanad-dugsiyeedka 2025–2026,...

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta NUSOJ

June 14, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Xoghayaha Guud...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Gamacsato iyo Maalgashadayaal ka socda Talyaaniga

June 14, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi ganacsato iyo maalgashadayaal ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In