Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababara Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababara Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya

?????????????

0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay Saraakiil sare oo ka socota Midowga Yurub oo hoggaaminayay General Antonio Maggi Taliyaha Ururka Midowga Yurub ee tababarada siiya Ciidamada Xoogga dalka Somaliya. Waxana ay ka wada hadleen dar-dar gelinta tababarada iyo taakuleynta Midowga Yurub ay siiyaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wasiir Diini ayaa uga mahad celiyay taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya. Wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta xooggan ee ay saraakiishu ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamadda xogga dalka Soomaaliyeed. Isagoo tilmaamay in sanadkan 2016 la kordhin doono tababarada si kor loogu qaado xirfada iyo aqoonta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Related posts

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026

“ Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanaagsan. Waxeey nagala qeyb qadanayaan dib-u-dhiska ciidanka Xoogga dalka oo matala dhamaan bulshada qeybaheeda kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Wasiir Diini.

Taliyaha howlgalka Midowga Yurub ee tababarida ciidanka Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub ay ka go’an tahay taakuleynta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ballan-qaaday inay kordhin doonaan tababarada ciidanka xoogga dalka Somalia.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku soo laabtay Muqdisho kadib safar uu ku tagay Maanta Baydhabo.

Next Post

Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro

Next Post
Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro

Agaasimahii hore ee Waaxda TVga Qaran oo xilka ku wareejiyay Agaasimaha Cusub+Sawirro

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

Dowladaha Soomaaliya iyo Netherlands oo Xoojinaya Iskaashigooda Istiraatiijiga ah.

April 20, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa xarunta Wasaaradda...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

April 20, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In