Wednesday, August 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa ka tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Allaha u naxariistee Marxuum Danjire C/laahi Siciid Cismaan oo shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tacsi u direy ehelladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum C/laahi Siciid, isagoo Alle uga baryey in uu Samir iyo Iimaan ka siiyo isagana qabrigiisa u waasiciyo.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in Danjire C/laahi uu ahaa muwaadin dalkiisa wax badan u soo qabtay, isla markaana muddooyin kala duwan xilal ka soo qabtay Soomaaliya, isagoo ALLE uga baryey in Naxariistiisa JANNO uu ka waraabiyo marxuumka,

“Inaalilaah wa inaa ilayhi raajicuun, waxaa shalay ku geeriyooday dalka Mareykanka Allah ha u Naxariistee Danjire Cabdulaahi Siciid Cismaan oo Soomaaliya ka soo noqday danjirii ugu horreyay ee Xarunta Qaramada Midoobay u fadhiyay Geneva, waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka hor burburkii” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Xilalka uu marxuumku ka soo qabtay dawladda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa:

1984- 1990: Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay New York
!976- 1984 : Danjiraha iyo wakiilka Soomaaliya u fadhiya xafiika QM ee Geneva.
!970- 1976 : Garyaqaanka Guud ee Dawladda ((Avvocato Generale dello Stato)
1968-1970: Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Caddaalada.
!966- 1968 : Agaasimaha Waaxda Caddaaladda

Previous Post

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

Next Post

Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro

Next Post
Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro

Dibad bax loogu soo horjeedo Alshabab oo Liido lagu qabtay-Sawirro

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka qayb galay kulan loogu duceynayay Marxuum Axmed Cali Cigaal

August 4, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qayb galay kulan duco iyo...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia

August 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Safiirka Shiinaha oo heshiis kala saxiixday

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Safiirka Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Mudane Wang...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO TABABAR U SOO XIRAY CIIDAMO KA TIRSAN DANAB

August 4, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In