Ganacsata isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan rugta gacansiga soomaaliya iyo kuwa reer galmudug ah ayaa gaaray cadaado, waxaa garoonka diyaaradaha cadaado ku soo dhaweeyay wasiirka ganasiga maamulka galmudug, maamulka degmada iyo ganasato.
ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa la xiriira dhismaha rugta ganacsiga galmudug iyo in ganacsadatu ay ka qeyb qataan arimaha horumarinta deegaanada galmudug.
cabdi abshir dhoore oo ka tirsan rugta ganacsiga soomaliya ayaa sheegay in ganacsatadan oo ka kooban 25-xubnood socdaakoodu la xiriiro dhismaha rugta ganacsiga galmudug, sidoo kalena la qiimeeyo ilaha muhiimka ah ee la maalgashan karo.
waxa uu inaas ku daray in ay rugta cusub ee la samaynayo ay ka taageerayaan sharciyada ganacsiga iyo wixii khibrad ah oo ay dheeryihiin.
wasiirka ganacsiga galmudug ayaa sheegay in tani ay bilow u tahay marxalada hormarka cusub ee galmudug,
wasaarada ganacsiga maamulka galmudug ayaa maalmihi ugu danbeeyay ku howlaneed dhismaha runta ganacsiga galmudug oo muhiim u ah, hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga deegaanka.