Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto Soomaaliya Oo Ka Furmay Nairobi”Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir lagu soo bandhigayo deeqaha waxbarasho oo ay dowladda Hindiya siiso dowladaha Afrika oo ay ku jirto dowladda Soomaaliya iyo fursadaha waxbarasho oo ay bixiso Hindiya ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi, waxaana shirkaas Soomaaliya uga qeybgalaya Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada mudane C/laahi Bile Nuur.

Shirka oo socon doona muddo laba maalin ah,diiradana lagu saaraya arrimaha waxbarashada ay bixiso dowladda Hindiya ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay wasiiru dowlada wasaarada warfaafinta,dhaqanka iyo dalxiiska xukuumada Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan Bekos.

Related posts

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada ee dowladda Soomaaliya mudane C/laahi Bile Nuur oo shirka kaddib la hadlay Telefishinka qaranka ayaa tilmaamay in shirka inta uu socday ay safiirka dowladda Hindiya u fadhisa Soomaaliya ay ka codsadeen in la kordhiyo deeqaha waxbarsho oo ay dowladda Hindiya siiso Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha ayaa sheegay in dowlada Hindiya ay soo bandhigtay horumarka ay ka gaartay dhanka waxbarashada iyo deeqaha waxbarasho oo ay hindiya ay siiso wadamada afrika oo ay saxiibka yihiin.

Wasiirka ayaa intaa ka daray in safiirada ay aqbashay in la kordhiyo deeqaha waxbarsho oo ay dowlada Hindiya siiso soomaaliya,waxaana uu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka uu ku soo dhamaado jawi is afgarasho ah.

Dowlada Hindiya ayaa kamid ah wadamada deeqaha waxbarsho siiya dowladda Soomaaliya.

IMG_4681 IMG_4682 IMG_4683 IMG_4684 IMG_4691 IMG_4692 IMG_4706 IMG_4708 IMG_4710 IMG_4712 IMG_4713 IMG_4714 IMG_4718 IMG_4720 IMG_4721 IMG_4726 IMG_4727 IMG_4729

Sawir Qaade:- Hassan Omar Baffo

Previous Post

Wasiiru Dowlaha Warfaafinta Soomaaliya oo Nairobi Kula Kulmay Wasiirka Dalxiiska Kenya”Sawirro”

Next Post

Kulan Looga Hadlay Doorka Jaamacada Carabta Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Next Post
Kulan Looga Hadlay Doorka Jaamacada Carabta Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay “Sawirro”

Kulan Looga Hadlay Doorka Jaamacada Carabta Ee Soomaaliya Oo Muqdisho Lagu Qabtay "Sawirro"

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

Guddoomiye Muungaab Oo Booqday Xubnaha Qoys Ku Wax-yeelloobay Dab Ka Kacay Degmada Hawlwadaag

December 21, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta isbitaalka Digfeer ku booqday dadkii...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In