Monday, September 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Ciidamada ee UK “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
February 14, 2016
in Wararka
0
Ra’iisul Wasaare Cumar oo Muqdisho ku qaabiley Wasiirka Ciidamada ee UK “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Ciidamadda ee Ingiriiska Penny Mordaunt, Safiirka u fadhida Soomaaliya Danjire Harriet Mathews, waxana ay ka wada hadleen horumarka ay gaartay Soomaaliya iyo doorka muhiimka ah ee dawladda UK ku leedahay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan dhismaha Ciidamadda .

Kulanka Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Wasiirka Ciidamadda ee Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa waxaa diiradda lagu saaray sida ay dawladda Soomaaliyeed uga go’an tahay in mar walba ay ka faaiideysato taageerada ay la garab taagan tahay boqortooyada Ingriisku. Waxaana uu Ra’iisal Wasaaruhu tilmaamay in loo baahan yahay marka la tababaro Ciidamadda in loo helo qalab dhamaystiran oo ay ku howlgalaan.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

September 1, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025

“Waxaan isla soo qaadnay sidii Boqotooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya xiriirka ka dhaxeeya loo adkayn lahaa loona xoojin lahaa taageera dhanka Amniga,hormarinta siyaasada dawladda, iyo Dhagaalaha. Soomaaliya waxay gashay weji cusub oo horumarineed, caalamkuna waa inuu sidaas u ogaadaa” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo uga mahadceliyay Mordaunt booqashada ay ku timid dalka Soomaaliya.

Waxaana Ra’iisal Wasaaraha oo weheliyey Wasiirka Gaashaandhigga ay xuseen in dawladda Soomaaliya ay ku hanweyntahay in caalamku taageero qorshaha ku aadan Amniga iyo horumarka dalka ee dawladdu Soomaaliya wado. Waxana uu kulankii labada dhinac ku dhamaaday is-faham buuxa iyo ballan-qaadyo ku aadan wada shaqeynta labada wadaan ee UK iyo Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Wasiirka Ciidamadda Boqortooyada Ingiriiska Penny Mordaunt, ayaa u mahadcelisay dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona sheegtay in ay ka wada hadleen sidii looga taageeri lahaa Amniga, Cadaalada, iyo Maamulka dhaqaalaha.r rr rrr rrrr

Previous Post

R.wasaare ku-xigeenka oo ka qayb galay xuska 56 guurada ka soo wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo furay kulanka banbaxa ee Guddiga Joogtada

September 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa furay kulanka banbaxa ee Guddiga...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan mira dhal ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha Cas ee Qatar

August 31, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Madaxa Hay’adda Bisha...

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo iska diiwaan geliyay hay’adda NIRA ee Dhuusamareeb

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO(DHUUSAMAREEB):Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta iska diiwaan-geliyey magaalada Dhuusaamreeb, si uu u...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo garoonka Aadan Cadde ka sagootiyay dhiggiisa dalka Jabuuti

August 31, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka sagootiyay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In