Thursday, February 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirada Difaaca iyo amniga oo baarlamaanka su’aallo lagu weydiiyay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Furitaanka kulanka baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaanada loogu akhriyay mooshinka loogu yeeray Wasiirada Amniga iyo Gaashaandhigga ee Dowladda Soomaaliya, waxaana mooshinkaasi akhrisay Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diiriye oo ka mid ahayd Xildhibaanada ku saxiixnaa mooshinka oo sheegtay in mooshinka uu ku saabsanaa u yeeridda Wasiirada Amniga, Cadaaladda, Gaashaandhigga, iyo taliyeyaasha ciidamada qalabka sida oo ka tirsan guddiga amniga Qaranka.

Mudaneyaasha ayaa bilaabay su’aalo weydiinta Wasiirada Amniga iyo Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya, iyadoo su’aalaha intoo badan ay Xildhibaannadu weydiinayeen Wasiirka Amniga, kuwaasi oo ku saabsanaa amniga Xildhibaannada iyo Xasaanadda ah leeyihiin.

Related posts

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026

Wasiirka amniga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay inaysan jirin wax amar ah oo ay Wasaaraddu ku bixisay in la baaro Xildhibaannada, waxaana uu intaa ku daray in haddii ay jiraan waxqalad ah oo mudanayaasha lagula kacay wax laga qaban doono.

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo gabo gabadii ka hadlay kulanka baarlamaanka ayaa Xildhibaannada ka dalbaday in marka ay tegaan goobaha amniga lagu sugayo ay ciidamada amniga gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka loo idmaday, waxaana uu dhanka kale hoosta ka xariiqay inay tahay laguma xadbaan xasaanadda Xildhibaannada.

44 mudane ayaa is qoray inay su’aalo weydiiyaan Wasiirka amniga gudaha, waxaana maanta fursad u helay inay su’aalo weydiiyaan 37, iyadoo Xildhibaannada haray ay markale su’aalo weydiin doonaan waqti kale, kuwaasi oo ku saabsan arrimaha ammaanka.

Previous Post

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonesia oo ka hadlay shir lagu qabayo Jakarta

Next Post

Wakiilka xoghayaha guud ee Q. M. iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta booqday Cadaado

Next Post
Wakiilka xoghayaha guud ee Q. M. iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta booqday Cadaado

Wakiilka xoghayaha guud ee Q. M. iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta booqday Cadaado

Wasiirka  Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka ah

February 19, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Golaha Wasiirrada uga mahadceliyay meel marinta axdiyada muhiimka...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay mashruuc ballaaran oo cunto qeybin ah

February 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Abdalla...

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka XDS oo qaabilay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

February 19, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga...

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

February 19, 2026
0

Muqdisho, Khamiis, 19 Febraayo 2026: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In