Xaflad ballaaran oo ay ka qeybgaleen Madax ka kala socota Bankiga Horumarinta Islaamka, Ururka Iskaashiga Islaamka, wakiillo ka socday hey’ado deeq bixiyaal ah fariisinkodu yahay dalka Sacuudiga iyo Ganacsato ayaa Hey’adda Zamzam lagu guddoonsiiyay SHAHAADADA TAYADA IYO MAAMUL WANAAGGA EE CAALAMIGA AH EE LOO YAQAANNO ISO 9001:2008.
Munaasabadda oo ka dhacday Hotelka Intercontinental Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi carabiya ayaa Hey’adda ZAMZAM Foundation loogu aqoonsaday iney mudan tahay in la guddoonsiiyo Shahaadadaasi.
Waa markii ugu horreysay oo Hey’ad Soomaali ahi (Mid dowladeed, tu gaar loo leeyahay iyo mid sama-falba) ay ku guuleysato Shahaadadan.
Kadib markii ay aragtay Hab maamuleedka Hey’adda ZAMZAM FOUNDATION ayay Kooxda lagu magacaabo International Expertise House for Administrative Development oo kamid ah sharikadaha bariga dhexe ugu waaweyn dhinaca latalinta, waxa ay u sharraxday ShahaadadaISO 9001:2008, lasocod dheer oo la xiriira howlaha iyo adeeegyada ay ZAMZAM FOUNDATION bixiso kadibna waxaa loo aqoonsaday mid Tayada maamulkeeda iyo howlaheeduba uu yahay mid aad u sarreysa.
Sharikadda TÜV INTERCERT SAAR fadhigeedu yahay Dalka Jarmalka oo ka shaqeysa arrimaha diiwaangelinta, shahaada bixinta ,Hannaanka Tayada iyo maamul wanaaga Hey’adaha iyo Sharikadaha caalamka ayaa Shahaadada guddoonsiisay Agaasimaha guud ee Hey’addaZAMZAM FOUNDATION Mudane: Shuceyb C/ladiif Sheekh.
Guusha ay ZAMZAM FOUNDATION kuhanatay Shahaaddadan Caalamiga ah waxa ay kusoo beegmaysaa xilli Shirkadaha iyo Hey’adaha xukuumiga ah, kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa Sama-falkuba ee caalamka ay ku hanweyn yihiin hanashada shahaaddada tayada iyo maamul wanaaga ee loo yaqaanno ISO 9001:2008.
ISO 9001:2008. Waa Shahaado sare oo caalamiya cadayna u ah sumacadda iyo tayada maamuul wanaaga cidda ay u suura-gasho in ay hesho shahaadan. Waxaa shahaaddadan lagu bixiyaa dhinaca tayada habka maamulka iyadoo lasiiyo Hey’adaha la xaqiijiyo in hab maamukoodu uu yahay mid tayeysan oo la jaan-qaadi kara nidaamka caalamiga ah, waxaa horey ugu guuleystay Hey’ado iyo Sharikado dunida laga yaqaano, laakiin marka Soomaaliya laga hadlayo ZAMZAM FOUNDATION waa tii ugu horreysay oo hantisa Shahaaddadaan.
Hey’adda ZAMZAM FOUNDATION waxaa la unkay Sanadkii 1992-kii waana hey’ad samafal oo bixisa adeegyo kala duwan oo ay kamid yihiin: Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, Daryeelka Agoonta, Nabadeynta iyo Horumarinta, waxa ay ka howlgashaa guud ahaan dalka Soomaaliya, xafiiskeeda ugu weynna waxa uu ku yaallaa magaalda Muqdisho.