Saturday, June 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweyne Xasan “Waxaa la sameyn doonaa qorshe wacyigelineed oo ku saabsan dhibaatada Qaadka uu ku hayo bulshada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 20, 2016
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka daahfurka dowladda oo dadweynaha ay su’aal ku weydiinayaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii dalkan cadowga looga cirib tiri lahaa.

Madaxweynaha oo ka hadlayay aaminaadda shacabka ee dowladnimada ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in shacabku ay kalsooni ku qabaan madaxdooda, waxaana uu intaa ku daray in barnaamijka daahfurnaanta dowladda ay qeyb weyn ka qaadan karto in la is aamino, isla markaana la isla xisaabtamo.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025

“Nidaam iyo qaab aan isku aamino aan sameysano, Nidaamka dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, shaqsiga xilka haya beri wuu ka tegayaa, howshan aan maanta u jogno waa tallaabada lagu sixi karo nidaamka dowladnimada”

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay arrimaha amniga iyo mushaaraadka ciidanka ayaa yiri “Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go’antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taaganyihiin sidii cadowga Ummadda uga difaaci lahaayeen”

“Waxaan ka cudur daareneynaa marka ay socoto howlgallada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go’antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha qaadka ayaa sheegay in qaadka uu dalka ku hayo dhibaato aad u weyn, waxaana uu intaa ku daray in meelo badan oo dunida ka mid ah qaadka laga mamnuucay, balse dowladda ay sameyn doonto qorshe bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada uu qaadka leeyahay.

“Dowladda marka ay go’aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadla waxa ay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan ka wacyi gelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka, dowladduna waxa ay sameyn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu Madaxweynah ka hadlayay Arrimaha garsoorka ayaa sheegay in Nidaamka dowladnimada ee 30-kii sano ee lagu dhaqmayay la badalay, lana keenay nidaam cusub oo xukunka baahsanyahay, taladu baahsantahay, dastuurka dalka uu qorayo in adeega garsoorka uu ka madax banaanyahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa waqti badan nagu qaadatay, balse meel fiican ayuu marayaa.

Madaxweynaha oo ugu dambeyntii soo xiray barnaamijka daah furka oo ay soo qaban qaaabisay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ku saabsanaa isla xisaabtanka oo qeybaha bulshada ay su’aalo ku weydiinayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladu ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo kale oo dhiman.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir ay wax la qabaan shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee dalka, isla markaana la sameyn doono maqaamka gaarka ah ee ay caasimaddu leedahay.

“Gobolka Benaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen” ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka "SAWIRRO"

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

Danjiraha Cusub ee Soomaaliya ee Yemen oo Gudbiyay Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo

June 5, 2025
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Yemen mudane Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed),ayaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In