Thursday, August 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Keyd Hore

Madaxweyne Xasan “Waxaa la sameyn doonaa qorshe wacyigelineed oo ku saabsan dhibaatada Qaadka uu ku hayo bulshada”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Keyd Hore, Wararka
0
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyey xarunta baarlamaanka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay barnaamijka daahfurka dowladda oo dadweynaha ay su’aal ku weydiinayaan Madaxweynaha iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda ay ka go’antahay sidii dalkan cadowga looga cirib tiri lahaa.

Madaxweynaha oo ka hadlayay aaminaadda shacabka ee dowladnimada ayaa tilmaamay inay muhiimtahay in shacabku ay kalsooni ku qabaan madaxdooda, waxaana uu intaa ku daray in barnaamijka daahfurnaanta dowladda ay qeyb weyn ka qaadan karto in la is aamino, isla markaana la isla xisaabtamo.

Related posts

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026

“Nidaam iyo qaab aan isku aamino aan sameysano, Nidaamka dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, shaqsiga xilka haya beri wuu ka tegayaa, howshan aan maanta u jogno waa tallaabada lagu sixi karo nidaamka dowladnimada”

Madaxweyne Xasan oo ka hadlayay arrimaha amniga iyo mushaaraadka ciidanka ayaa yiri “Arrinta amniga iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa waajiban, waa suurta gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, balse way naga go’antahay bixinta mushaarkooda, maadaama ciidanka ay u taaganyihiin sidii cadowga Ummadda uga difaaci lahaayeen”

“Waxaan ka cudur daareneynaa marka ay socoto howlgallada cadowga lagu beegsanayo dadka ay waxyeelada ka soo gaarto, markasta dowladda way ka go’antahay cirib tirka cadowga shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweynaha.

Madaxweynaha oo ka hadlayay arrimaha qaadka ayaa sheegay in qaadka uu dalka ku hayo dhibaato aad u weyn, waxaana uu intaa ku daray in meelo badan oo dunida ka mid ah qaadka laga mamnuucay, balse dowladda ay sameyn doonto qorshe bulshada looga wacyigelinayo dhibaatada uu qaadka leeyahay.

“Dowladda marka ay go’aan ka qaadaneyso ee ah in la mamnuuco qaadla waxa ay u baahantahay waqti badan, balse culimada iyo bulshada rayidka waxaan ka rabnaa inay door ka qaataan ka wacyi gelinta bulshada dhibaatada uu leeyahay qaadka, dowladduna waxa ay sameyn doontaa in lacagta ugu badan ee canshuur ah laga qaado qaadka, si dadka sida sahlan ku baran lahaa, ay isaga dhaafaan” ayuu yiri Madaxweynaha.

Mar uu Madaxweynah ka hadlayay Arrimaha garsoorka ayaa sheegay in Nidaamka dowladnimada ee 30-kii sano ee lagu dhaqmayay la badalay, lana keenay nidaam cusub oo xukunka baahsanyahay, taladu baahsantahay, dastuurka dalka uu qorayo in adeega garsoorka uu ka madax banaanyahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa waqti badan nagu qaadatay, balse meel fiican ayuu marayaa.

Madaxweynaha oo ugu dambeyntii soo xiray barnaamijka daah furka oo ay soo qaban qaaabisay Wasaaradda Maaliyadda, isla markaana ku saabsanaa isla xisaabtanka oo qeybaha bulshada ay su’aalo ku weydiinayeen Madaxweynaha iyo Wasiirka maaliyadda ayaa sheegay in dowladu ay wax badan u qabsoomeen, ayna jiraan waxyaabo kale oo dhiman.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bulshada ku nool gobolka banaadir ay wax la qabaan shacabka kale ee ku nool 18-ka gobol ee dalka, isla markaana la sameyn doono maqaamka gaarka ah ee ay caasimaddu leedahay.

“Gobolka Benaadir waxa uu ka midyahay 18-ka gobol ee dalka, gobolkasta xaqa uu leeyahay ayay leeyihiin bulshada gobolkan, balse waa caasimadda Jamhuuriyadda, Maqaam gaar ah ayay yeelaneysaa, inkasta oo aan weli diyaarsaneyn maqaamka, dowlad goboleedyada qaar dadka ku nool, waxaa ka tiro badan kuwa caasimadda ku nool, in xuquuqdooda la duudsiiyo xaq ma ahan, waxaa socoto qorshe ah in la sameeyo gole deegaan, bulshadana ay isu abaabusho sidii ay isu dooran lahaayeen” ayuu Madaxweyne Xasan hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay.

 

 

 

 

 

Previous Post

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay “SAWIRRO”

Next Post

Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka "SAWIRRO"

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

August 27, 2026
0

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadantinimada ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagtay Xarunta...

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

AFRICA’S FRONTLINE FIGHT AGAINST FGM NEEDS FUNDING

August 27, 2026
0

Africa already has proven frontline/survivor led models that are working to end Female Genital Mutilation (FGM). The urgent question is...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

Soomaaliya oo daneyneysa kordhlnta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮

August 26, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane 𝐃𝐫. 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐧𝐚𝐚𝐟𝐚𝐜 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐚𝐥𝐥𝐚, ayaa si fogaan-arag ah uga qayb galay...

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ku soo xiray Tababarka Wariyayaasha Nabadda

August 26, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo xiray tababar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In