Thursday, August 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maamulka gobolka baay oo qalab caafimaad kala wareegay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Mareykanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Qalabkan caafimaad oo noocyo badan ka kooban isla markaana loogu talagalay Isbitaalka guud ee gobolka Baay, ayaa waxaa soo dhiibay ururka Arlaadi Aid oo ay leeyihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed dalka Mareykanka, waxaana maanta lagu wareejiyay guddoomiyaha gobolka Baay, iyadoo goob joog ka ahaa Xildibaan Yacquub Cali Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Nuur Maxamed Nuunow oo ah guddoomiyaha ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid ee dalka Mareykanka oo qalabka caafimaad juhdi weyn geliyay sidii halka lagu soo gaarsiin lahaa ayaa u mahadceliyay dadkii gacanta ka geystay howshan samafalka ah.

Related posts

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

August 6, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

August 6, 2026

Guddomiyaha gobolka Baay C/rashiid Maxamed C/laahi oo qalabka kala wareegay ururka samafalka ah ee Arlaadi Aid oo wakiil ka ahaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa balan qaaday in qalabka loogu adeegi doono dadkii loogu talagalay, waxaana uu baaq in direy dadka Soomaaliyeed in ay isu gurmadaan.

Xildhibaan Yacquub Maxamed Cali oo ka tirsan Barlamaanka Soomaliya, ayaa u mahadceliyay Jaaliyadda Soomaaliyeed oo howshan samafalka ah dhabarka u riday, isagoo sheegay isbitaalka magaalada Baydhabo uu baahi aad u weyn u qabay qalabkan caafimaad, maadaama isbitaalka uu yahay mid u adeega dadka ku nool gobolada Baay, Jubada Dhexe, Gedo iyo gobolka Bakool…

Qalabka caafimaad oo maanta maamulka gobolka Baay uu kula wareegay dekada weyn ee Muqdisho ayaa ah mid wax weyn ka tari doono baahida caafimaad ee ka jirto Isbitaalka weyn ee magaalada Baydhabo oo hada ay maamusho hey’adda Laan qeyrta case e caalamiga ah ICRC, kaas oo u baahan in mar kasta laga war qabo si loola socda tayada adeega ee isbitaalka uu bixiyo.

_DSC1773 _DSC1778 _DSC1837 _DSC1842 _DSC1855 _DSC1856 _DSC1857 _DSC1863 _DSC1865 _DSC1867 _DSC1997 _DSC2008 _DSC2065 _DSC2075 _DSC2118 _DSC2127 _DSC2129 _DSC2141 _DSC2159 _DSC2174

Previous Post

Madaxweyne Xasan “Waxaa la sameyn doonaa qorshe wacyigelineed oo ku saabsan dhibaatada Qaadka uu ku hayo bulshada”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo ka qayb galay munaasabadda xuska Maalinta Afrika (Africa Day) 2026.

August 6, 2026
0

Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya, Mudane Dr. Cabdullaahi Maxammed Odawaa, ayaa hoggaaminayay wafdi ka koobnaa diblomaasiyiin ka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay Agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha

August 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabis isweeydaarin ah ku sameeyay agaasimeyaasha Guud ee qaar ka mid...

Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad

Golaha Wasiirradao oo ka hadlay geeddi-socodka sameynta Baasaboorka Soomaaliya ee Jiilka Saddexaad

August 6, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagaga hadlay xaaladda guud ee dalka gaar...

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

Akhriso Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya

August 5, 2026
0

Bayaanka Shirweynaha 1-aad ee Dekedaha Soomaaliya oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyey. Akhriso bayaanka 

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In