Sunday, November 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Waxgaradka degmooyinka Balanbal iyo Guriceel oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Waxgaradka degmooyinka Balanbal iyo Guriceel oo heshiis kala saxiixday “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxgaradka magaalooyinka Balanbal iyo Guriceel oo kaashanayay dadka samaha jecel ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shir uga socday magaalada Balanbal oo looga hadlayay dhacdadii ka dhacday 11.kii Bishii Novembar 2015 Duleedka degmada Balambal ee gobolka Galgaduud.

Wadahadaladan oo ahaa kuwa lagu doonayay in xal looga gaaro dhacdadaasi oo u socday mudo laba cishaa xubno dhaqan ah oo hawshaasi u guntaday xalkeeda wixii ka dambeeyay dilkii jid galka ahaa ee loogaystay mas’uuliyiin ka soo qaybgaly dhismaha maamulka degmada Balanbal oo dib ugu laabanayay magaalada Guriceel.

Related posts

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025

Waxgaradka Degmada Balambal oo lahaa fidinta gogosha looga xaajoonayay dhacdadaasi oo laheyd dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed, ayaa ka garaabay Wixii dhacay Waqtigaasi waxayna ka bixiyeen Xaal iyo Raali gelin.

Nabadoon Cabdirisaaq Cabdulle Igaal (Guduudow) oo ka mid ah xubnaha Balanbal ee fidisay gogosha ayaa soo dhaweeyay imaatinka ergada ka timid Guriceel waxaana uu ka hadlkay Xaalka waxaana uu yiri.

“ Sadexdii nin ee dhimatay waxaan ka wadnaa midkiiba xaal dhan ( Lixdan milyan) oo xaal ah (Labaatan Malyan) oo duug ah iyo Qori, odayaaashii la socday sadexda dhimatay oo iyagana ay qaar dhaawac meen waxaa laga keenay midkiiba xaal dhan (Labaatan Milyan) iyo Kaarigii ay saarnaayeen oo isna laga bixiyay (lixdan iyo sagaal milyan)

Nabadoon Maxamed Aadan Rooble (Xood) oo u hadlay Odayaasha ka timid magaalada Guriceel ayaa dhinaciisa ka warbixiyay xalka laga gaaray wixii dhacay, waxaana uu sheegay in ay aad ugu qanceen xeerka iyo xaalka laga siiyay.

Heshiiskaasi ka dib ayaa Ergada labada dhinac waxaa ay ka balameen Diyadii Dadka geeriyooday iyo dhameystirka heshiiska, waxaana si wada jir u qabteen Guddi isku dhaf ah kaasi oo ka shaqeynaya dhameynta khilaafka iyo Xoojinta Nabada la gaaray.

Gudoomiyaha degmada Balambal Jaamac Xayle Maxamed oo gabagabadii halkaasi ka hadlay ayaa kaga mahad ceshay dhaqanka labada dhinac heshiiska ay gaareen.

DSCN7300 DSCN7315 DSCN7321 DSCN7322 DSCN7323 DSCN7324 DSCN7325 DSCN7327 DSCN7328 DSCN7331 DSCN7332 DSCN7333 DSCN7334 DSCN7335 DSCN7336 DSCN7337 DSCN7338 DSCN7343 DSCN7352

C/kariin Axmed Bulxan

Balanbal/ Soomaaliya

 

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

Next Post
Fursad shaqo oo ka bannaan golaha shacbiga

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga oo soo bandhigtay fursad shaqo

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda XFS Oo Xafiiskiisa Kuqaabilay Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cali Maxamed Cumar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan ee Soomaaliya,...

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

Somali State Minister for Foreign Affairs Receives Sudanese Ambassador

November 2, 2025
0

RADIO MOGADISHO(SUDAN):-The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation, Hon. Ali Mohamed Omar, received on Sunday, at his office...

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

Taliska NISA Ee Koonfur Galbeed Oo Soo Bandhigay Xubno Iska Soo Dhiibay Khawaarijta

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Taliska Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay saddex xubnood oo ka tirsanaa kooxda...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Oo Ololaha Isdiiwaangelinta Doorashooyinka Ka Daahfuray Deegaannada Hoostaga Xarardheere

November 2, 2025
0

RADIO MUQDISHO(XAGARDHEERE):-Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa wada dadaallada lagu hubinayo in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In