Sunday, June 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

HORDHAC: Everton Vs Chelsea – Guus Hiddink oo Chelsea ku bad baadin kara FA Cup-ka & Lix Dhacdo oo kulankan ku saabsan-

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 12, 2016
in Ciyaaraha
0
HORDHAC: Everton Vs Chelsea – Guus Hiddink oo Chelsea ku bad baadin kara FA Cup-ka & Lix Dhacdo oo kulankan ku saabsan-
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo daahfuray koobka degmooyinka Galmudug “SAWIRRO”

June 5, 2023
Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

Cayaartooyda Xulka Qaranka Dalkeenna oo baaritaan lagu xaqiijinayo da’dooda ku maraya Ethiopia

April 14, 2023

FA Cup- Wareega 8-aad
Kulanka: Everton Vs Chelsea
Garoonka: Upton Park
Saacada: 8:30 habeenimo ee xiliga geeska Afrika

Kabtan John Terry ayay ubadan tahay inuu kusoo laaban doono shaxda Chelsea kulanka ay sideed dhamaadka FA Cup booqaneyso naadiga Everton kadib markii uu dhaawac muruqa ah la maqnaa lixdii kulan ee ugu danbeysay.

Terry oo Chelsea daqiiqadii 98-aad udhaliyay goolkii bar bardhaca ee kulankii horyaalka labada koox ku dhexmaray Stamford Bridge bishii January – ayaan kooxdiisa uciyaarin tan iyo markii ay 5-1 uga badiyeen Newcastel bartamihii bishii February.

Kooxda Chelsea ayaa rajeyneysa kaliya iney koobkan hanato maadaama ay arbacadii kasoo hareen Champions League halka Horyaalka ay kaalinta 10-aad uga jiraan.

Kooxda 7-da mar koobkan haysata ee Everton ayaa ku kalsoon iney wareega xiga gaari doonto, hase ahaatee labada naadi ayaa taariikh wanaagsan ku leh tartankan, Chelsea ayaana Toffees ku garaacday Fiinaalkii sanadkii 2009.

Yaa ka maqnaan kara labada Koox

Weeraryahanka Everton Kevin Mirallas ayaa kulankan ganaax ku seegi doona kadib markii kaarka gaduudan loo taagay kulankii horyaalka ee Hammers.

Leighton Baines ayaa dhanka kale ay ubadan tahay inuu maqnaan doono halka Oviedo uu haysto fursado uu ku ciyaaro.

Tababare Martinez ayaa dhanka kale rajeynaya inuu dib uhelo Gareth Barry iyo Tom Cleverley kuwaas oo xanuunsanaa.

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa ayaa shaki weyn uu kku jiraa in kulankan uu dhaawac uga maqnaan doono, halka kubad sameeyaha Eden Hazard uu isna dhib ka haysto gumarka.

Saxiixii Chelsea ee bishii January Alexandre Pato ayaa la filayaa inuu kulankiisii ugu horeeyay usafto Chelsea, halka defender Kurt Zouma uu wali dhaawac ku maqan yahay.

Xaqiiqooyinka aad uga baahan tahay kulankan.

1- Kooxda Chelsea ayaa koobkan lix mar ka badisay Everton kadib 9 mar oo ay kulmeen, waxaana guulahaas kamid ahaa Fiinaalkii Wembley ee sanadkii 2009-kii markaas oo ay 2-1 ku qaadeen.

2- Everton ayaa dhalisay midn sedex gool labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay gurigeeda kula ciyaartay Chelsea, waxaana kamid ahaa guushii 3-1 ahayd ee xilli ciyaareedkan horyaalka ka gaartay.

3- Naadiga The Blues ayaa hormar ka sameysay afartii FA Cup ee wareegiisa sideed dhamaadka, waxaana marka ay usoo baxdo afar dhamaadka ay ku guuleysteen sedex mar oo kala ah (2009, 2010, 2012).

4- Chelsea ayaa shabaqa soo taabatay 7 kamid ah 8-ii kulan ee ugu danbeysay ee koobkan FA Cup-ka waxaana ay dhaliyeen kulamadaas 20 gool.

5- Kooxda macalin Martinez ayaa guul dareystay sedex kamid ah afartii kulan ee ugu danbeysay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay dhamaan tartamada, waxaana kamid ahaa kii ay West Ham 3-2 uga badiyeen todobaadkii hore.

6- Wiilasha macalin Guus Hiddink ayaa guuleystay labadii kulan ee ugu danbeysay ee ay banaanka ku ciyaareen labadaas kulan ayayna ku badiyeen min 2-1.

SHARE

Facebook
Twitter
Previous Post

Man City Oo Taako Kala Kulantay Norwich City

Next Post

Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Next Post
Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Rafael Benitez Oo Loo Magacaabay Tababaraha Cusub Ee Newcastle United

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka

June 8, 2025
0

  Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macalin (Fiqi), oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in Khawaarijta  ay...

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Howlgallo qorsheysan oo lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta

June 7, 2025
0

Horjoogeyaal kale oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday howlgal qorshaysan oo si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka...

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

June 7, 2025
0

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Geneva uga qeybgalay shir muhiim ah

June 7, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Geneva -...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In