Wararka ka imaanaya Deegaanka Xawaadley oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in Webiga Shabeelle uu biyaha ka guray, taasna ay dhibaato ku heyso dadka iyo duunyada oo markii hore ku noolaa biyaha Webiga, sida uu inoo xaqiijiyay mid ka mid ah dadka deegaanka oo la soo xiriiray Radio Muqdisho.
Mustaf Ceentow Cali oo ah goob jooge ku sugan deegaanka Xawaadle oo la haday Radio Muqdisho ayaa sheegay in dadka ay la soo daristay biyo la’aan, isla markaana ay codsanayaan in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, maadaama uu biyo gursaday webiga Shabeelle.
“Webiga Shabeelle ayaan ku dhex socdaa, biyo la’aan ayaa jirta, webiga wuu gursaday, dadka iyo duunyada biyo la’aan ayaa saameysay, muddo labo isbuuc ayay arrintan ka jirtay deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana codsaneynaa in gurmad dhinac waliba leh nala soo gaaro” ayuu yiri Mustaf.
Mustaf Ceentow Cali ayaa tilmaamay in dadku ay iminka biyo ka dhigtaan meelo qaar oo webiga ka tirsan oo ay ku hareen biyo wasaqeysan, taasi oo uu ku tilmaamay inay saameyn ku yeelatay dadka laga cabsi qabo inay ka qaadaan cudurka shuban biyoodka.