Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda F. S. oo cambaareeysay weerarki argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Federaalka Soomaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Radio Muqdisho ayaa lagu cambaareeyay weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Ankara.

Xukuumadda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag ay u cambaareynayaan weerarka argagaxiso ee ka dhacay caasimadda Ankara shalay galab , kaasoo sababay geerida 34 ruux oo dad rayid ah oo aan waxba galabsan , halka tira intaa ka badan ay ku waxyeeloobeen.

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Waxaa dhab ah , in argagaxisadu ay u beegsaneyso dadka rayidka ah si bahalnimo ah oo marna aan cafis geli karin, waa tilmaan weyn oo tusineysa heerka ay ka gaareen bani’aadanimo-xumo iyo xushmad darro .
rabshad kasta oo ka dhan ah dadka rayidka ah waxaa loola jeedaa in la aragagaxiyo iyaga iyo qarankooda , gebi ahaan waa wax baas oo shar ah .

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay si adag uga shaqeyneysaa dhabar-jebinta argagaxisada gudaha xuduudeena iyo gobolka intiisa kale . argagaxisadu waa goodin khatar ku ah dunida, oo si adag u saameeyay muwaadiinta Soomaaliya iyo Turkiga , sidaa darteed waxaan barbar taagannahay,isbaheysina la nahay Shacabka walaalaha iyo Xukuumadda Jamhuuriyadda Turkey . waxaan la qeybsaneynaa tiiraanyada iyo dhibta gaaray saacadahaasi mugdiga ah.

Waxaan tacsi u direynaa qoysaska,saaxiibada iyo kalgacalka dhammaan dhibanayaasha rayidka ee uu saameeyay falkaasi murugada leh ee sharta ahaa, weerarada argagaxisada ee aan macnaha laheyn marna tabar darri iyo qeybsanaan uma keeni doonto Turkiga, ee waxa ay xoojin doontaa midnimada , duniduna waxa ay u taqaan falkaasi dambi weyn oo argagaxiso ah .

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay la leedahay Jamhuuriyadda Turkey xiriir laba geesood aad u xoogan , waxa aanu hiigsaneynaa iskaashi balaaran oo dhinacya badan leh oo labada dal dan wadaag u ah oo ay ka mid ah tahay amniga .

Previous Post

Madaxweynaha iyo wakiilka midowga Afrika oo ka wadahadley fulinta baaqii Djibouti-Sawirro

Next Post

Bulshada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Waddo muhiim ah

Next Post
Bulshada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Waddo muhiim ah

Bulshada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Waddo muhiim ah

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In