Tuesday, January 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug: Al Shabaab waxay dhirbaaxo kulul kala kulantey Ciidanka maamulka Galmudug

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Galmudug oo booqday deegaanka Gelinsoor ee G/Galgaduud
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

25 March 2016: Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug ayaa sheegtay in dagaalka lagula jiro Al Shabab aan la joojin doonin ilaa iyo inta firxadka kooxdaasi argagixisada ah laga sifeynayo guud ahaan degaanka uu maamulka ka taliyo.

Madaxweynaha Galmudug , Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay dhirbaaxo culus ku dhufteen argagixisada Al Shabaab dagaaladii ugu dambeeyay ee degaanka ka dhacay.

Related posts

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026

“Waxaa cadowga dagaalkii ilaa shaley socday looga dilay ilaa iyo 60 maliishiyaad, iyadoo ilaa iyo 38 maxbuusna laga qabtey. Hubkii ay siteen laga furtey, waxaana u mahad celinayaa shacabka oo iyaguna door aad u weyn ka cayaaray inay dhulkooda u diidaan inuu cadowga sal dhigto’’, ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Degaanadda sida ba’an loogu jebiyay maliishiyada naf la caariga ah ee Al Shabaab ayaa waxaa ka mid ah Dinooda, Jiray, Bali- Hawd iyo Galhagoog.

Maliishiyaadka cadowga ku ah nabadda iyo horumarka ummadda ee Al Shabaab ayaa markii lagu jebiyay degaanka maamulka Puntland u soo baxsadey dhanka Galmudug, iyadoo ujeedkooda uu ahaa inay ku dhuumaaleystaan halkaasi, kadibna ay ka fuliyaan falalkooda arxan darrada ah ee lagu waxyeeleynayo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa ugu dambeyn u sheegay shacabka reer Galmudug in walow Al Shabaab lagu jebiyay degaanka Galmudug, haddana loo baahanyahay in gacan weyn laga geysto hawlgalka guud ee milateri ee dalka oo dhan looga xorreynayo Al Shabaab.

 

Previous Post

Barnaamijka Kulanka todobaadka ee warbaahinta Dowladda oo todobaadkan looga hadlay abaaraha dalka ka jira”Dhageysi iyo Sawirro

Next Post

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

Next Post
Madaxweynaha: “ Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay si dhow ula shaqeeyaan, xogtana ula wadaagaan laamaha amniga’’

Madaxweynaha: ‘‘Waxaan ku bogaadinayaa ciidammada maamulka Galmudug dagaalka ay kula jiraan argagixisada Al Shabaab’’

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

DAAWO: Madaxweynaha JFS oo soo dhaweeyay go’aanka Golaha Wasiirrada

January 13, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyey go'aanka Golaha Xukuumadda...

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

Wafdi heer sare ah oo ka tirsan Dowladda oo gaaray Laascaanood

January 13, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ay qeyb ka yihiin Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka JFS ayaa goordhow gaaray Caasimadda...

Diyaaradaha Yuhuudda oo duqeeyay Falastiin

Deegaanka Jabad Godone oo lagu duqeeyey Horjoogayaal ka tirsan khawaarijta.

January 13, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone...

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

Wasiiru-dowlaha Tacliinta Sare XFS oo ka qeybgashay daah-furka mashruuc muhiim ah

January 12, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Marwo Nuura Mustafa Mukhtaar, ayaa ka qeybgashay munaasabadda daahfurka Mashruuca Tamarta la Cusboonaysiin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In