Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adaha amniga oo gacanta ku dhigay horjooge ka tirsan Al-shabaab

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Howlgallada lagu sugayo amaanka caasimadda oo la kordhiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Howlgal xalay ciidamada Nabadsugida ay  ka sameeyeen  degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa lagu soo qabtay horjooge ka tirsan kooxda Al-shabab, sida u afhayeenka maamulka gobolka Banaadir , C/fataax Cumar Xalane.

Xalane, ayaa sheegay in xalay ciidamada ammaanka howlgalka ay sameeyeen si nabad ah u dhacay isla markaana lagu guuleystay in ninkaas gacanta lagu soo dhigo.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

“Xalay ciidamada ammaanka waxay soo qabteen hor-jooge ka tirsan Al-Shabaab, gacanta laga soo qabtay, waxaa lagu magacaabaa Xasan Fanax, ragga madaxiisa lacagaha dul-saarnaa ayuu ka mid ahaa”ayuu yiri  Xalane.

Wararka ayaa sheegaya in horjoogahan uu horay u hogaamiyay dagaalo iyo weeraro lagu qaaday ciidamada dowladda federaalka  iyo AMISOM.

Dhinaca kale, afhayeenka maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku simaha guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiinta ammaanka ay xalay kormeero ku sameeyeen qeybo ka mid ah Muqdisho, halkaas oo howlgalo amni ay ka socdeen.

 

Previous Post

Ra’isul wasaaraha oo Wasiir cusub magacaabay

Next Post

Gargaar: Daawo Sawirada gabar yar oo xanuun naxdin badan la il-daran                

Next Post
Gargaar: Daawo Sawirada gabar yar oo xanuun naxdin badan la il-daran                

Gargaar: Daawo Sawirada gabar yar oo xanuun naxdin badan la il-daran                

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In