Abaaraha iyo biya yarida xiligaani ka taagan degmada bacaadweyne iyo deegaanada ku xeeran ee ku yaala koofur bari Gobalka Mudug ayaa saameeyn xoogan ku yeeshay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool, iyadoo ay ku baxeen xoolo farbadan oo ay dhaqan jireen dadka halkaasi ku nool
Maxamed Axmed Aadan oo ka mid ah xoolo dhaqatada ay saameeynta ku yeesheen abaaraha ayaa uga waramay warbaahinta Qaranka dhibaatada kasoo gaartay abaarahaasi
“Abaarahaani waa kuwo hadda ka hor aanan soo marin, aniga waxaa ii haray sida aad ujeedo waa toban neef, intii kale abaarta ayaa la tagtay, tobankaana haddii roob yimaado lama oga hadana carruurtii iyo iyagana biyo aan siiyo uma heli karo, badar aan carruurta u kariyana ma hayo wax ilaaheey inuu naga qaado aan ka baryeeyno ayaa na haya”.
Maamulka, waxgaradka, culuma’udiinka iyo ganacsatada degmada Bacaadweyne ayaa walaac xoogan ka muujiyay saameeynta ay abaaruhu ku yeesheen dadka iyo duunyada, halkaasi ku nool, iyagoo dhanka kalena uga mahadceliyay gurmad isugu jira biya dhaamin iyo raashin qeybin uu dadka ay abaaruhu saameeyeen u sameeyay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Jeylaani Cali Kadiye.
Axmed Daahir Guddoomiyaha Bacaadweyne ayaa ugu horeyn ka hadlay abaarahaasi waxaana uu yiri “Sida xaqiiqada meeshaan waxaa ka jira abaar saameeysay dadka iyo duunyada, ayadoo aysan jirin wax ceelal biyood ah, oo uu leeyahay deegaankan 175km oo aan laheeyn wax ceel ah, waad garaneeysaan xaaladeeda dadkaas oo ildarnaa biyo la’aan iyo raashin la aan ayaa waxaa usoo gurmaday ilaa hadda ganacsade soomaaliyeed oo lagu magcaabo Jeylaani Cali Kadiye waana uga mahad celi neynaa
Maxamed Axmed Cali Xoghayaha maaulka degmada bacaadweyne ayaa isna dhankiisa uga mahad celiayay ganacsade Jeylaani Cali Kadiye gurmadka samafalka waxaana uu yiri “Waxaan u hambalyeeynaynaa una mahadcelineeynaa walaalkeen jeylaani cali kadiye oo maanta usoo gurmaday dadkaan oo xaaladoodu ay mareeyso meel xun soona gaarsiiyay deeq lama filaan ah umad badan baa dib jir aheeyd dabkuna kaseexday xoolihiina dhaafeen boqalkiib atodobaatana xolihii weey tageen sodanka ka hartayna biyo la aan baa u ciribtireeysa”
Bashiir Cali Dhoore oo isna ku hadlayay magaca Ganacsatada ayaa ka warbixiyay sida maamulka Galmudug iyo hay addaha gobalka mudug ka shaqeeya ay uga gaabiyeen wax u qabashada bulshada dagmada bacaadweyne iyo deegaanada hoostaga
“Degmadaan Bacaadweyne waxaa hoostaga 17 tuulo, waxa ceel ahna ma lahan 170 km u dhaxeeysa badda iyo qeydaro waxaan cabasho ujeedineeynaa maamulka galmudug iyo hay addaha ka howlgala gobalka mudug oo aan leenahay dadkaan usoo gurmada maa intii galmudug la aas aasy waan ka hadleynay arinta ceelka lkn ma jirto ilaa hadda cid wax u qabatay” ayuu yiri ganacsade bashiir cali dhoore
Dagmada bacaadweyne iyo deeganada hoostaga ayaa wali aysan ka da’in roobabka Gu’ga kuwaasi oo haatan ka da’ay deegaano fara badan oo ka tirsan gobalda dalka
W/D =Wariye C/risaaq Maxamed Axmed (Galkacyo)