Ciyaaryahanka u dhashay dalka Cameroon ee lagu magacaabi jiray Patrick Ekeng, ayaa geeriyooday kaddib markii uu sara joogga ka dhacay, xilli uu ka dheelayay horyaalka dalka Romania.
Laacibka geeriyooday oo 26 jir ahaa, ayaa miyir beelay todobo daqiiqo markii uu dheelay, isagoo bedel ugu soo galay kooxdiisa, Dinamo Bucharest.
Dhakhaatiirta caafimaadka ayaa cisbitaalka ula cararay, kaddibna waxa ay xaqiijiyeen geeridiisa.
Tiro ciyaaryahanno Afrikaan ah ayaa la sheegay iney sidan oo kale u geeriyooday xilli ay ciyaarayeen.