Tuesday, August 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hay’adda UNHCR oo kenya ka dalbatay inay ka laabato go’aankii ay gaartay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Qaxootiga Soomaaliyeed Ee Yemen Oo Xaalada Dhinaca Nolosha Ah Ka Cabanaya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga adduunka ee loo yaqaano UNHCR ayaa walaac xoogan ka muujisay go’aankii dowladda Kenya ee ahaa in ay albaabada isugu dhufan doonto xerooyinka qaxootiga Dhadhaab iyo Kaakuma ee Waqooyi bari dalka Kenya

War saxaafadeed ka soo baxay hey’adda UNHCR  ayaa lagu sheegay in Hey’addu ay dowladda Kenya ka dalbatay in ay Sii wado martigelinta kumanaanka qaxootiga ee ka kala socda dallaka Soomaaliya iyo Suudaanta Koofureed, waxayna sheegtay in xaaladaha markii hore qaxootiga ku qasabtay in ay dalalkooda ka soo qaxisay wali aan xal dhameystirin laga gaarin.

Related posts

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026

UNHCR, ayaa Kenya ka codsatay in ay dib u eegto go’aanka ah in ay xiri doonto xerooyinka Dhadhaab iyo Kaakuma, isla markaana ay ka fogaato in ay ku xadgudubto waajibaadka caalamiga ee ka saaran ilaalinta xuquuqda Qaxootiga kuwaas oo u baahan in laga daryeelo xaaladaha qalafsan.

“Badbaadada boqolaalka kun ee qaxootiga ee ka kala socda Soomaaliya iyo Suudaanta Kuufureed, kuwaas oo ka faa’ideystay deeqsinimada Kenya  madaama dowladda Kenya ay rabto in ay ahaato hormuudka wadamada gobolka ilaalinta xuquuqda qaxootiga,”  ayay lagu sheegtay UNHCR bayaan ay ka soo saartay xafiiska Nairobi ay ku leedahay heydda.

War-saxaafadeedka ayaa lagu amaanay doorka dowladda Kenya ay ka qaadatay marti gelinta xerada qaxootiga ugu badan adduunka ee Dhadhaab.

 

Previous Post

IGAD oo Wasaaradda Gaadiidka ku wareejisay qalab laga maamulo cimilada dhanka duullimaadka

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

Madaxweynaha JFS “Soomaaliya waxay mudan tahay in si buuxda looga faa’iideysto kheyraadka baddeeda.”

August 4, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad ka jeediyay furitaanka Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, isagoo carrabka...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madaxa OCHA ee Soomaaliya

August 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa kulan la yeeshay Mudane George Conway, Ku-xigeenka Ergayga Xoghayaha...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmaya Muqdisho

August 4, 2026
0

Muqdisho ayaa goordhow martigelin doonta Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb geli doonaan mas'uuliyiin ka tirsan...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la qaatay Ku-xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

August 3, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Xukuumadda Dan-Qaran, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In