Wednesday, December 17, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baladweyne: dagaal xilligaan ka socda magaalada iyo Fatahaadii wabiga oo sii xoogeysatay.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Baladweyne: dagaal xilligaan ka socda magaalada iyo Fatahaadii wabiga oo sii xoogeysatay.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in caawa galbeedka magaalada uu ka socdo dagaal xoog leh oo u dhexeeya maleeshiya beeleedkii maalmahaan halkaas ku dagaalamayay kuwaas oo maqribadii kadib uu dagaalkoodu dib u billaawday,

Dadka magaalada oo aan qaarkood goordhaw la xiriiri waxa ay sheegayaan in dhawaqa rasaasta ay si xoog leh uga maqlayaan xaafadda Howl wadaag ee galbeedka magaalada halkaas oo ah meesha ay maleeshiyo beeleedka wada dagan yihiin.

Related posts

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025

Ciidamada amissom iyo kuwa dowladda ayaa hadda wada dhaq dhaqaaqyo u muuqdo mid lagu kala dhax galaayo maleeshiyaadka dagaalamaayo.

Dhinaca kale waxaa wali magaalada ka taagan fatahaadii uu wabiga shabeela ka sameynayay gudaha magaalada baladweyne oo qayba kala duwan uu ka maro magaalada baladweyne.

Dadka magaalada intiisa badan magaalada waa ay ka barakeceen, waxay ku sugan yihiin aqalo cooshado ka sameysay oo ay ka dhisteen duleedka magaalada, waxeyse maqlayaan meeshii ay gargaar filayeen dagaal u dhexeen dadkii u gurman lahaa qaarkood.

Sidoo kale dad ka qaar ayaa iyaguna wali ku go’doonsan gudaha magaalada gaar ahaan goobaha lagu dagaalamayo, waxeyna dhinac ka baqayaan in fatahaadaha biyaha soo gaaraan, halka dhinaca kalana ay xabad iyo dhawaqeeda ay la soo darastay.

Ugu dambeyn, waxaa ka socda magaalada dadaalo la doonayo in lagu kala dhax galo maleeshiyaadkaas dagaalamaya hase yeeshee waxa ay u muuqataa kuwa aan caga badan ku taagnayn maxaa yeelay wali dagaalka ayaa socda, xabaduna way dheceysaa.

Illaah ayaa u maqan dadka magaaladaas ku nool, waxeyse ku sugan yihiin xaalad aan la qiyaasi Karin xanuunkeeda, waxeysa ahayd in ay dareemaan maleeshiyaadka dagaalamayo dhibaatada haysata walaalahooda ay fatahaaduhu haystaan.

Previous Post

Shirka mideynta dowladaha hoose oo Cadaado lagu soo gaba-gabeeyay

Next Post

Baarlamaanka oo mar kale ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Next Post
Baarlamaanka oo Warbixin maanta ka dhageysanaya Guddiga Arrimaha Dibadda

Baarlamaanka oo mar kale ka doodi doona sharciga doorashada dadban

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

December 17, 2025
0

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Tababar u furay Saxafiyiinta Ka Shaqeyn Doona Habdhaqanka Warbaahinta Xiliga Doorashada

December 16, 2025
0

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa magaalada Muqdisho maanta tababar uga furay ku dhowaad 90...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟔𝟓-𝐆𝐮𝐮𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐢𝐛𝐥𝐨𝐦𝐚𝐚𝐬𝐢𝐲𝐚𝐝𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚

December 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xuska 65-guurada xiriirka diblomaasiyadeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay Wasiirka Ganacsiga Dibadda ee Sweden

December 16, 2025
0

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Caalamiga iyo Ganacsiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In