Wednesday, July 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ka furmay Istambul

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay shirka ka furmay Istambul
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir madaxeed ku saabsan arrimaha bani aadannimada ayaa maanta ka furmay magaalada Istambul ee dalka Turkiga, kaasi oo si gaar ah diiradda loogu saarayo la-tacaalidda xasaradaha qaxootiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dheer ka jeediyay furitaanki shirkaasi ayaa ka hadlay marxaladda uu dalku marayo iyo hanaanka la doonayo iney dalka uga qabsoomaan doorashooyin sanadkaan.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026

Wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh soo hadal qaaday marxaladihii kala duwanaa ee uu dalku soo maray iyo dadallada dowladdu ugu jirto dib u hagaajinta hanaanka dowladnimada iyo nolosha dadka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Soomaaliya ay iminka u jaheysatay dhanka horumarka, ayna ka soo kabaneyso burburki dalka soo maray.

Shirkan ay taageereyso QM, oo socon doonaa illaa arbacada, ayaa ku baaqi doona ficillo wax looga qabanayo musiibooyinka bani aadanimada iyo yareynta halista ay dalalka soo koraya ugu jiraan arrintaas.

“Dunida waxaa maanta ka jira dhibaatooyin waa weyn, waxaana jirta baahi weyn oo ah inaan taageero u muujino dadka ay saameeyaan musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa aadanaha sababo” Waxaa sidaas yiri ku xigeenka xogahayah guud ee QM Jan Eliasson.

In ka badan 125 hogaamiye iyo dad gaaraya shan kun oo qof, ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan shirka.

istmadax ist mad

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Marwada Madaxweynaha “Hooyadu waa inay heshaa xarun lagu baxnaaniyo” SAWIRRO

Next Post
Marwada Madaxweynaha “Hooyadu waa inay heshaa xarun lagu baxnaaniyo” SAWIRRO

Marwada Madaxweynaha "Hooyadu waa inay heshaa xarun lagu baxnaaniyo" SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Munaasabadda Calan Saarka 1-da Luulyo

July 1, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qeyb galay munaasabadda qaran ee Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo...

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

Kaarka NIRA oo laga dhigayo shuruud safarrada gudaha Dalka

June 30, 2026
0

Hay’adda Aqoonsiga Qaranka (NIRA), oo kaashanaysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo wacyigelin...

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

Madaxweynaha JFS oo xarigga ka jaray xarunta cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha 

June 30, 2026
0

Muqdisho, Juun 30, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarigga ka jaray xarunta cusub ee...

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

Wasiir Cali Xoosh “34 sano kadib dib ayaan gacanteena kusoo celinay Wasaaradda”. 

June 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, mudane Cali Xoosh, ayaa ka hadlay munaasabadda xarig-jarka xarunta dhexe ee Wasaaradda oo ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In