Wednesday, July 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed oo Taliye Cusub u Magacaabay Galmudug “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyed oo Taliye Cusub u Magacaabay  Galmudug “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa Maamulka Galmudug u magacaabay Sarrkaal noqon doona Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulkaasi, iyada oo sidoo kale Madaxweynaha Galmudug uu maanta Booqaday Xarunta Taliska Ciidanak Asluubta Soomaaliyeed

Madaxweynaha Galmudug ayaa kormeer ku sameeyay qeybo kamid ah Taliska oo ay ka mida tahay Xarunta Tobabarada iyo Dhaqan Celinta Maxaabista, Madaxweynaha wuxuu halkaas kusoo arkay warshadi oo shaqo Balaaran kasocota, iyo maxaabisti oo baraneysa xirfado kala duwan sida harqaanka iyo waxsoo saarka qalabyada xafiisyada,Guryaha iyo Goobaha waxbarashada loo isticmaalo.

Related posts

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026

Madaxweynaha Galmudug ayaa waxa kormeerka ku wehliyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac aya Goobta hadalo kooban ka jeediyay:-

“Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyed laga bilaabo maanta wuxuu u magaacabay Taliye Cusub Taliska Ciidanka Asluubta Galmudug Waxan ku wareejinay Sarkaalka Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha oo inaga codsaday inan usoo xulno sarkaal waxbadan ka bedeli kara Ciidanka Asluubta Galmudug, Madaxweynihi ugu horeeyay ee Maamulada dalka ka jira ee soo booqda Taliska Guud ee Ciidana Asluubta Soomaaliyed ayaa tahay wadna ku mahadsan tahay, Waxan kaloo usoo jeedineyna Madaxda maamulada kale ee ka jira inay soo booqdan Taliska”

Ugu danbeyn waxa hadalo kooban oo mahadnaq iyo bogaadin halkaas ka jeediyay Madaxweynaha Galmudug:-

“Wey ku mahadsan yihiin Taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyed Dadaalada ay ugu jiraan dib udhiska ciidanka, Waxey kalo ku mahadsan yihiin Sarkaalka ay inoo soo xuleen oo aan aaminsan nahay in uu waxbadan ka bedeli doono Taliska Ciidanka Asluubta Galmudug”

asl (2) asl (3) asl (4) asl (5) asl (6) asl (7) asl (8) asl (9) asl (10) asl (1)

–DHAMAAD–

Previous Post

Marwada Madaxweynaha “Hooyadu waa inay heshaa xarun lagu baxnaaniyo” SAWIRRO

Next Post

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Beledweyne.

Next Post
SAWIRO “Ciidanka Xoogga Dalka oo Gurmad u fidiyay Dadka fatahaada iyo Dagaalka uu ku saameeyay baladwayne”

Ra’iisul Wasaaraha Dalka oo ku baaqay in Gurmad loo fidiyo Shacabka uu saameeyey Fatahaadda Wabiga Shabelle ee Beledweyne.

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Wadajirka JSP oo olole doorasho ka,sameeyay Guriceel

July 21, 2026
0

Xubno ka tirsan Urur Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa maanta olole ballaaran oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka...

Taliyaha Ciidanka Badda oo  Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

Taliyaha Ciidanka Badda oo Dalka Marocco kaga qayb galay Shirka 4-aad ee Ciidamada Badda Afrika

July 21, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa magaalada Rabat ee Dalka Marocco kaga qayb galay...

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

Ciidamada Dab-damiska oo Bakaaraha ka damiyay dab saaka ka kacay Suuqa Bakaaraha

July 21, 2026
0

Ciidamada dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka...

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha DFS oo Muqdisho uga qaybgalay tababar lagu horumarinayo haweenka

July 21, 2026
0

Masuuliyiin ka socday wasaaradaha kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qaybgalay tababar ku saabsan dhisidda adkeysiga dhaqaale...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In