Wednesday, November 5, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynihii hore ee Chad oo xabsi daa’in lagu xukumay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Madaxweynihii hore ee Chad oo xabsi daa’in lagu xukumay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkamad ku taala dalka Senegal ayaa xabsi daa’in ku xikuntay madaxweynihii hore ee dalka Chad Hissene Habre kaddib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah bani’aaddanimada.

Dambiyada lagu helay waxaa ka mid ah tacaddiyo ka dhan ah aadanaha, jirdil iyo dambiyo dagaal iyo addoonsi, iyadoo ay ku marqaati fureen ilaa 90 qofood.

Related posts

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025

Dacwad oogaha maxkamadda ayaa dalbaday in Habre xabsi daa’in lagu xukumo, taa oo uu ku mutaysanayo dambiyo la sheegay in ay gaysteen ciidamo boolis ah oo gaar ah, muddadii uu xilka hayay intii u dhaxeysay sanaddihii 1982 iyo 1990, laakiin eedaymahaas wuu diiday.

Habre ayaa laga qabtay Senegal 2013 halkaas oo uu dibad joog ku ahaa, kaddib markii xilka laga tuuray 1990-ki

Waa markii ugu horreysay oo madaxweyne Afrikaan ah lagu maxkamadeeyo dal Afrikaan ah, isagoo loo haysto dambiyo ay ka mid yihiin jirdil, kuwa dagaal iyo kuwa ka dhan ah bini’aadannimada.

Previous Post

Dadkii ka dambeeyay qaraxii Daallo oo la xukumay-Sawirro

Next Post

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Waajid

Next Post
Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Waajid

Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyay degmada Waajid

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

Danjire Jabriil oo qaabilay Guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee Kenya

November 4, 2025
0

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa dhankiisa xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go'antahay xoojinta...

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc  Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

Hay’adda SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc Lagu Xoojinayo Ka Jawaabidda Masiibooyinka Degdegga ah

November 4, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Suleymaan,...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee 2025

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u daah-furay Madasha Hab-Maamulka Internet-ka Soomaaliya ee...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

November 4, 2025
0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka qeyb galay Shirkii ugu horreeyey ee hoggaamiyeyaasha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In