Allaha u naxariistee feeryahankii caanka ahaa ee Maxamed Cali Kalaay, oo sabtidii la soo dhaafay ku geeriyooday isbitaal ku yaala magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Mareykanka isagoo 74 sano jir ahaa da’diisa.
Maxamed Cali ayaa sadex jeer ku guuleystay horyaalka feerka culus, waxaana markii warka geeridiisa uu soo baxay laga dareemay guud ahaan caalamka maadaama uu ahaa nin caan ah.
Feeryahankii hore ayaa ahaa nin Muslim ah oo diintana ku dhegan isla markaana si aad ah ugu dhiidhiyi jirey marka siyaasiyiinta iyo dadka kale oo aan muslimka aheyd ay isku dayaan in ay wax ka sheegaan diinta Islaamka iyo dadka muslimiinta ah, isagoo sidoo kalena ahaa nin u ololeyn jirey xuquuqda dadka la takooro.
Allaha u naxariistee, Maxamed Cali, ayaa meydkiisa la jeeyay magaalada uu ka soo jeedo Louisville ee isla dalka Mareykanka oo ah meeshii uu ku dhashay, waxaana maalinta Jimcaha lagu aasi doonaa halkaas.
Aaska allaha u naxariistee Maxamed Cali, ayaa u dhici doono qaab waafaqsan diinta Islaamka iyadoo ay ka qeybgali doona dad heysta diimo kala duwan.
Xigasho: Daily mail