Saturday, June 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Golaha Wasiirrada oo Qodobo kala duwan looga hadlay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Ku simaha RW ayaa ka tacsiyeeyey dilkii saaka loo gaystay Marxuum Anwar Xaaji
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, June 9, 2016….Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulanka shir guddoominayay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Mudane C/laahi Axmed Jaamac “Ilka-jiir”, waxaana looga hadlay qodobo kala duwan oo u badnaa, warbixino laga dhegeystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo soo bandhigtay qorshaha Bisha Ramadan ee Sugidda Amniga Caasimadda.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa Golaha warbixin ka siiyey qorshaha lagu sugayo inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan Amniga Caasimadda, iyagoo iska kaashanayaan Ciidamadda Dawladda qeybahooda kala duwan, Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, golaha ayaa boggaadiyey qorshahan waxana ay ku biiriyeen tallooyin lagu kabayo Amniga.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026

Wasiirradda Caafimaadka ayaa golaha Wasiirada warbixin ka siisay qaabkii ay ula tacaaleen dhaawacyadii weerarkii Hotel Ambassador, waxana uu goluhu ku booriyey Wasaaraddu in ay qaado tallaabooyin deg-deg ah oo gacan lagu siinayo dadka u baahan caafimaadka dibedda ah, iyadoo iskaashi lala sameynayo dawladaha saaxiibka la ah Soomaaliya.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixinno kala duwan oo la xiriira Hiigsiga 2016 iyo shirkii Madasha Hoggaamiyeyaasha ka dhageystay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo si faah-faahsan uga hadashay waxyaabihii ka soo baxay shirka. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay Markab sida mucaawino loogu talagalay dadka Soomaaliyeed oo hadda taagan Dekadda Muqdisho, waxana ay tilmaamtay in si deg deg ah loo gaarsiin doono bulshada Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

Previous Post

Wasiir Diini “120 ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay Weerarkii Halgan”

Next Post

Maamulka Gobolka oo Baydhabo ku dhagax dhigay waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Next Post
Maamulka Gobolka oo Baydhabo ku dhagax dhigay waddo muhiim ah “SAWIRRO”

Maamulka Gobolka oo Baydhabo ku dhagax dhigay waddo muhiim ah "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taalada Dhagax-tuur

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii naf u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna...

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

Madaxweynaha Burkina Faso, oo warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya

June 26, 2026
0

Danjiraha JFS ee dalka South Sudan, isla markaana ah Danjiraha Ma-degenaha ah ee Soomaaliya ee Burkina Faso, Danjire Jaamac Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ka qayb galay munaasabad ballaaran oo lagu maamuusay 66 sano...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay xuska 66-sano guurada xornimadii Gobolada Waqooyi ee Dalka

June 26, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa isaga oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb, hambalyo iyo bogaadin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In