Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Maxkamad ku taalla South Africa oo lasoo taagay Burcad lagu eedeeyay dilka laba Ganacsato Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Maxkamad ku taalla South Africa oo lasoo taagay Burcad lagu eedeeyay dilka laba Ganacsato Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maxkmad ku taalla Magaalada Polokwani ee Dalka Koonfur Afrika ayaa lasoo tagay laba nin oo South African ah oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dil loogu geystay laba wiil iyo abtigiisa Soomaali ah  oo ka wada shaqeynayay hal Dukaan ay ku lahaayeen  Tuulo ku taalla Gobolka Limpopo ee K/Afrika.

Eedeysanayaasha oo lasoo xiray markii uu falka dhacay oo ahayd Sanadkii 2013 ka waxay socotay dacwadooda muddo seddex sano ah, iyadoo dhowr jeer oo hore racfaan ka qaateen waxaana xoogga saaray Jaaliyadda Gobolka Limpopo,Ehalada labada wiil ee la dilay iyo Safaaradda Soomaalida ee Pretoria in cadaaladda la horkeeno kuwii ka dambeyay dilka dhalinyaradan.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Labada Marxuum waxaa la kala oran jiray Cabdisalaan Nuur Muxdiin iyo Maxamed Xasan Muxudiin waxaana lagu dilay toorey kadib markii lagu qabtay Bastoolad xilli fiid ah oo ay ka ganacsanayeen dukaan yar oo ay ku lahaayeen Tuulo dhacda duleedka Magaalada Polokwani.

Dhageysiga Dacwadan oo socday muddo sedex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalay Ehalada labada Marxuum,Qaar ka mid ah Ganacsatada iyo Jaaliyadda Gobolka Limpopo,Safiiirka Soomaaliya u fadhiya Wadamada Afrikada Koonfureed,Qunsalka Safaaradda iyo dad K/Afrikan ah oo qaarkood daris lahaa Dukaanka labada .

Marxuum,dhageysi kadib ayaa waxaa qirtay mid ah Burcadii geystay falkan inuu gacantiisa ku dilay C/Salaan Nuur Muxudiin iyo Maxamed Xasan Muxudiin halka Eedeysanaha kale aan lagu helin wax cadeyn ah.

Qaar ka mid ah dadki ka qeybgalay ayaa Wariyaha Warbaahinta Qaranka ugu soo warama Dalka K/Afrika,C/qaadir Axad oo la hadlay ayaa sheegay inay filayaan in Eedaysanayaasha Cadaallada la horkeeno.

Danjire Jamal Barrow iyo Qunsul Maxamed Cali Mire (Nabadoon) oo iyagu safar ugu yimid inay ka qeybagalaan Dacwadan ayaa Safiirka Jaaliyadda Soomaaliyeed dardaaran u diray.

“Ujeedada aan u nimid aniga iyo Qunsulka inaan ka qeybgalno Maxkmad ka bilaabanaysay Polokwani oo sedex sano kahor lagu dilay laba Ganacsato,waxaan ugu mahadcelinayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee kasoo qeybgashay,waxaana ku dhiiragalina inay sidaasoo kale dambiyada laga galo inay geeyaan Saldhigyada oo ay ka harin”ayuu yiri Danjire Jamal Barrow.

Dilalka loogu geysto K/Afrika Ganacsatada Soomaalida ayaan intooda badan Maxkmad lala tiigsan Dambiilayaashii falka ka dambeyay,waxeyna Jaaliyadda Soomaaliyeed eed dusha kaga tuurtaa Dowladda K/Afrika inay Xabsi u taxaabin Dambiilaha halka Dowladduna sheegto in Soomaalida dabagalin oo aan soo xaadirin Maxkamadda sidaa darteed la fasaxo Burcadda.

IMG_0855 IMG_0856 IMG_0857 IMG_0858 IMG_0859WD:C/qaadir Axad,Limpopo

 

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Gaalkacyo oo caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In