Tuesday, February 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe Siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka danbaysa kaas oo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakaaladda SONNA waxaa ay heshay Nuqul ka mid ah Dacwad uu Xildhibaanku ugudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka taas oo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu Kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen taas oo lagu sheegay in ay gaarsiinaysay Hay’ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay in ay ka diiwaan gashantahay Dalka Kenya, taasi oo lagu tilmaamay in uu xildhibaanku ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hay’addaas ee Markabka Kiraysatay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026

Xildhibaanku waxa uu ku cadeeyay Dacwadiisa in aanay jirin waxna aanu ka ogayn Hay’addaas iyo waxa ay waday toona,wuxuuna ku xusay Nuqulka Dacwadiisa in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka Warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldambiyeed lagu doonayo in lagu magac-dilo, laguna dhaawaco sumcadiisa,wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Xog lagu kalsoonyahay oo ay heshay SONNA ayaa tilmaamaysa in Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, in hadda lagu hayo waddanka Jabuuti ayna ku socoto Baaris ay iska kaashanayaan Dawladaha Soomaaliya, jabuuti iyo Kenya taasi oo ladoonayo in lagu ogaado ujeedada dhabta ah iyo Ciddii ka dambaysay dhacdadaan Shirqoolka.

Xogta aan helnay ayaa intaasi ku dartay in Markabkaan oo waday Shixnad lagu sheegay Gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday,ka dibna uu ku soo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaasi oo lagu qabtay laguna hayo wali.

Previous Post

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR “SAWIRRO”

Next Post

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Next Post
Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka Jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika

February 16, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo...

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalka 1447

February 16, 2026
0

Akhriatayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa Isku aadka Tartan Cilmiyeedka Ramadan Warbaahinta Qaranka ee degmooyinka iyo gobollada Dalkeenna. Halkan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khadka taleefanka kula hadlay Amiirka Qatar

February 16, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka...

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

Wasaaradda Deegaanka XFS oo qabatay kulan wadatashi ah

February 16, 2026
0

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Ha’yadda (NAP Global Network) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In