Monday, April 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Baarlamaanka oo meel mariyay hindise sharciyeedka Maxkamadda dastuuriga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo maanta shir guddoominayay kulankii maanta ayaa Xildhibaanada baarlamaanka markale xusuusiyay muhiimadda ay leedahay in ay wax ka badal ku sameeyaan dastuurka oo ay u codeeyaan, si loo badbaadiyo dsatuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista dastuurka KMG ee baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa sidoo kale mudanaasha ka codsatay inay badbaadiyaan dastuurka oo ay wax ka badal ku sameeyaan, si loo meel mariyo.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa guda galay u codeynta Hindise sharciyeedka Maxkamadda Dastuuriga oo soo maray marxalado kala duwan, waxaana codeyn gacan taag ah ku ogolaatay 148 mudane sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay in wax ka badal lagu sameeyo hindise sharciyeedka dhismaha guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka, si loo kordhiyo muddada jiritaanka guddiga, maadaama sharcigaas uu farayo qodobkiisa 10-aad in guddiga uu la dhamaanayo jirintaanka madasha sagaalaad oo ah baarlamaanka hadda dhisan, waxaana Xildhibaanada ay u codeeyeen jiritaanka guddiga baarlaamanka tobnaad oo ka dhigan in uu sii shaqeynayo ilaa iyo 2020-ka.

Dhaka kale Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mariyay akhrinta koowaad hindise sharciyeedka kheyraadka biyaha, iyadoo baarlamaanka ay horkeentay Wasaaradda tamarta iyo biyaha, waxaana Xildhibannada hor tegay Wasiirka Tamarta iyo biyaha ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Xildhibanada u sharxay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay.

Previous Post

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Next Post

Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Baydhaba ka dhagax dhigtay Cisbitaal SAWIRO

Next Post
Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Baydhaba ka dhagax dhigtay Cisbitaal SAWIRO

Wasiirka Caafimaadka oo magaalada Baydhaba ka dhagax dhigtay Cisbitaal SAWIRO

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

Wasiirka Caddaaladda XFS oo guddoomiyay kulanka dib u eegista howlaha Wasaaradda

April 19, 2026
0

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa shir-guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee hoggaanka sare ee Wasaaradda...

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

Shirweynaha Midowga Baarlamaanka Adduunka oo la soo gabagabeeyay

April 19, 2026
0

Shirweynihii Midowga Baarlamaanada Adduunka ee ka socday magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga ayaa maanta lasoo gaba gabeeyey, waxaana shirkaasi Soomaaliya...

Midowga Africa oo si adag  uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

Midowga Africa oo si adag uga horyimi Safiirka Israa’iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Midowga Afrika ayaa si adag uga horyimid safiirka ay Israa'iil u soo magacaawday maamulka Soomaaliland,tallaabadaas oo dhalisay hadal-hayn siyaasadeed...

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

Wasiirka Gaashaandhigga oo xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda midkii hore

April 19, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xilka u kala wareejiyey Xoghayaha cusub ee Wasaaradda, Mudane Yuusuf Cali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In