Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo ay si wada jir ah u baahinayaan Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV, uuna taaba gelineyo sanadkii saddexaad Maamulka Gobolka Benaadir ayaa waxaa caawa tartan aad u xiiso badan ku dhexmaray degmooyinka Dharkeynleey Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Bari, iyadoo labada dhinac ay muujiyeen dadaal iyo anshax wanaag inta uu tartanku socday.
Sida uu xeerka tartanka qabo marka degmo walibo la weydiiyo min afar su’aal waxaa caawa dhextaal u ahaa isbarashada degmooyinka, iyadoo tartamayaasha labada degmo ay ka sheekeeyeen taariikhda ay leeyihiin degmooyinka Dharkeynleey iyo Boosaaso iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin labada degmo.
Natiijada tartankii dhexmaray caawa tartamayaasha degmooyinka Dharkeynleey iyo Boosaaso waxey noqotay sidan:-
Dharkeynleey
Tartamayaasha Degmada Dharkeynleey sida xeerka barnaamijka tartan Cilmiyeedka bisha barakeysan ee Ramadaan uu dhigayo waxaa la weeydiiyey Todobo Su’aal, waxaana su’aallihii la weydiiyey ay ka jawaabeen Saddex su’aal oo waxa ay iska qaldeen Afar, waxa ay si ka faa’iideysi ah u haleen Hal su’aal oo soo hareermartay tartamayasha Boosaaso, waxayna wadarta guud ee dhibcaha tartamayaasha degmada Dharkeynleey ay heleen noqoneysaa 8 dhibcood (Sideed dhibcood).
Boosaaso
Tartamayaasha Degmada Boosaaso waxaa iyana dhankooda la weydiiyey Todobo Su’aal, su’aallihii la weydiiyey waxay si sax ah uga jawaabeen Afar su’aal, halka ay iska qaldeen Saddex u’aal, waxa ay si ka faa’iideysi ah u heleen Labo su’aal oo soo hareer martay tartamayaasha degmada Dharkeynleey, waxaana wadarta guud ee tartamayaasha degmada Boosaaso ka dhigeysaa inay heleen 12 dhibcood (Labo iyo toban dhibcood).
Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareega xiga u soo gudbay tartamayaasha degmada Boosaaso ee gobolka Bari, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi,
Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Shangaani iyo Hodan oo ka wada tirsan gobolka Benaadir.
Halkan ka dhageyso tartanka
Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir