Dhalinyaro gaareysa ilaa 115 ayaa maanta la gudoonsiiyay shahaadooyin kadib markii ay soo dhameeysteen tababar
la xariira barashada xirfado kala duwan oo ay ku shaqeeystaan kuwaasi oo ay si lacag la aan ah muddo lix bilood ah uga baranayeen xarunta tababarka xirfadaha kuna taala magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.
Munaasabada shahaadooyinka lagu gudonsiinayay dhalinyaradaan ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka socatay ururka SOSDA oo ah urur maxalliya iyo hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay dalka Swedan isla
markaana ahaa ururkii iyo Hay’addii iska kaashaday taabba galinta tababarkaan.
Aqoonyahano xubno ka socaday ururada bulshada rayidka iyo boqalaal dhalinyara ah oo ay ku jireen dufcadihii horay xarunta mudug uga bartay xirfado ay ku shaqeeystaan ayaa ka qeybgalay munaasabadaasi.
Ugu horeeyn waxaa munaasabada ka hadlay Eng Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri) oo ka mid ah masuuliyiinta ururka SOSDA waxaana uu sharaxaad ka bixiyay dhalinyaradaan waxyaabihii ay barteen iyo ujeedka
laga leeyahay tababaridda dhalinyarada ee shaqa la’aantu ku heysato gobalka Mudug.
“Dufcadaani waa dufcadii 4aad ee ka baxda xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug waana 115 dhalinyara ah oo isugu jira wiilal iyo gabdho waxay nasiib uyeesheen in si lacag la’ aan ah ay ubartaan xirfado maanta ay
ku shaqeeysan karaan taasna waxaa usuurta galiyay machadka tababarka xirfadaha ee Mudug iyo Ururka Sosda oo gacan ka helaya Hay’adda Daryeel oo fadhigeedu yahay dalka Swedan xirfadaha ay barteena waxaa
ka mid ah korantada makaanikada kumbuyuutarka iskiiliska Caafimaadka iyo kuwa la mid ah marka ujeedka laga leeyahayna waxay tahay in dhalinyaradu ay noqdaan kuwo yaqaana xirfado ay ku shaqeeystaan” ayuu yiri Eng Cumar Maxamuud Rooble (Cumar Suuri).
Isagoo markale arintaasi ka hadlaya ayuu yiri “Gobalkaan waxaa ku nool kumanaan dhalinyara ah oo ay heysato shaqo la’aan kuwaasoo qaarkood ay sababtay shaqa la’aanta heysata ineey noqdaan burcad badeed ama burcad barri ama ay inta tahriibaan ku dhinta badaha amaba ay isaga jiraan xabsiyo dalal shisheeya iyadoon cid og aysan jirin marka danbana ay isaga dhintaan gudaha xabsiyadaasi marka ujeedka rasmigaa ee aan ka leenahay waxay tahay in dhalinyarada ay ka bad baadaan khatarahaasi oo ay dalkooda ka shaqeeystaan waxna u taraan ummaddooda iyo waalidiintooda”.
Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Prof Maxamed Xaaji Erag oo ah mas’uuliyiinta Ururka SOSDA waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay inuu mira dhalay boqalkiiba 80 hadafkii laga lahaa tababarida dhalinyarada waxaana uu xusay in maanta meelo badan oo ka mid ah dalka ay xirfado shaqo oo ay ka barteen xarunta tababarka xirfadaha ee Mudug ay uga shaqeeystaan kumanaan dhalin yara ah, waxaana uu ugu baaqay
dhalinyarada maanta uu tababarku usoo dhamaaday in waxa ay barteen ay ugu horeeyn iyagu ka faa’ideeystaan marka xigana bulshada uga faa ideeyaan.
Qaar ka mida dhalinyaradii iyagu nasiibka uyeeshay in si lacag la’aan ah ay ubartaan xirfado ay ku shaqeeysataan oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in maanta ay heysataan xirfado ay ku shaqeeysan karaan taasna ay uga mahad celinayaan Maamulka xarunta Tababarada Xirfadaha ee Mudug iyo ururka SOSDA iyo Hay’adda Daryeel oo iyagu ahaa kuwii iska kaashanayay dhaqaalaha ku baxayay tababarka la siyay dhalinyaradaan iyo kuwii ka horeeyay