Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

R/wasaare Cumar oo Cambaareeyey Falkii Argagixiso ee Hotel Naasa-Hablood1

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Ra’isul wasaaraha Xukuumadda oo cambaareeyay weerarka hotel ambbassidor
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul Wasaaraxa Xukuumada Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy eheladii iyo qaraabadii muwaadiniintii lagu laayay qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, asagoo dhaleeceeyay falkaasna ku tilmamay mid arxan daro ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada iyo qaraabadii muwadiintii Soomaaliyeed ee lagu xasuuqay bartamaha Muqdisho. Si gaar ah waxaan tacsi ugu dirayaa ehellada Wasiiru dawlihii Bii’ada ee Xafiiskeyga oo weerarkaasi naftiisa ku waayeey. Falkaas argagixiso wuxuu ahaa mid banii’aadamnimada ka baxsan oo ay gaysteen kuwo arxan daran oo ka soo horjeeda nolosha iyo horumarka ummada Soomaaliyeed,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in falkan ismiidaamintaa ee lala beegsadey Hotel Naasa-Hablood1 uusan hakin doonin habsami u socodka hawlaha dawladda iyo hannaanka loogu diyaar garoobayo dalka in ay ka qabsoomaan doorashooyin.

“Anoo aad uga murugaysan dhibka loo gaystay dadka rayidka ah waxaan ummadda u xaqiijinayaa in falkaas argagixiso uusan hakin doonin shaqadii aan u haynay dadkeena iyo dalkeena. Waxaana shacab weynaha u sheegayaa inaan u taaganahay difaacooda xili kasta aana xoojinayno amniga guud ahaan,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay inuusan jirin dambi ummada Soomaaliyeed laga galo oo ka weyn gumaadka lagu hayo dadka rayidka ah ee aysan jirin wax ay galabsadeen iyo cid ay dambi ka galeen xili lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Previous Post

Booliska Talyaaniga oo qabtay tahriibiye Soomaali ah

Next Post

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”

Next Post
Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga xiga “SAWIRRO”

Tartamayaasha degmada Warta Nabadda oo caawa u soo gudbay wareegga xiga "SAWIRRO"

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In