Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo Xabsiga dhexe Kormeeray “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo Xabsiga dhexe Kormeeray “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa Maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac , Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/Sare Maxamed Xirsiile iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Mid mid ayuu usoo kormeeray Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe isagoona Xog wareystay Xukumanayaasha ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar si uu u ogaado hadii ay jiraan dad si qaldan loo xukumay lagana caawiyo in Racfaan ay qaataan .

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa u sheegay Maxaabiistii uu la kulmay in uu ka caawin doonno sidii Racfaan ay u qaadan lahaayeen hadii ay jiraan Dhaliilo ay tabanayaan waxaana isaga iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay balan qaadeen in ay bixin doonaan Maxaabiis mudo u xiran Lacago loo heysto.

Gudoomiyaha ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta waxa uu ku amaanay sida uu isaga xil saaray islamarkaana Masuuliyad gaar ah isaga saaray Nolosha Maxaabiista Xabisga dhexe ee Xamar ku xiran waxaana uu bogaadiyey Howlaha Horumarineed ee ka socda Gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa booqday Warshadda Farsamada iyo Tababarka Maxaabiista halkaasina waxa uu kusoo arkay Maxaabiis shaqeyneysa oo soo saareysa Agabyo kala duwan oo u badan qalab Xafiiseedka IWM .

received_563608423799791 received_563608430466457 received_563608427133124

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo cambaareeyay weerarkii Madiina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Next Post
Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In