Wednesday, February 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo Xabsiga dhexe Kormeeray “SAWIRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Banaadir oo Xabsiga dhexe Kormeeray “SAWIRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Dr Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa Maanta Booqday Xabsiga dhexe ee Xamar waxaana halkaasi kusoo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac , Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/Sare Maxamed Xirsiile iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Asluubta.

Mid mid ayuu usoo kormeeray Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka qeybaha uu ka kooban yahay Xabsiga dhexe isagoona Xog wareystay Xukumanayaasha ku xiran Xabsiga dhexe ee Xamar si uu u ogaado hadii ay jiraan dad si qaldan loo xukumay lagana caawiyo in Racfaan ay qaataan .

Related posts

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa u sheegay Maxaabiistii uu la kulmay in uu ka caawin doonno sidii Racfaan ay u qaadan lahaayeen hadii ay jiraan Dhaliilo ay tabanayaan waxaana isaga iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay balan qaadeen in ay bixin doonaan Maxaabiis mudo u xiran Lacago loo heysto.

Gudoomiyaha ayaa Taliyaha Ciidanka Asluubta waxa uu ku amaanay sida uu isaga xil saaray islamarkaana Masuuliyad gaar ah isaga saaray Nolosha Maxaabiista Xabisga dhexe ee Xamar ku xiran waxaana uu bogaadiyey Howlaha Horumarineed ee ka socda Gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Maxkmadda Racfaanka Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe ayaa booqday Warshadda Farsamada iyo Tababarka Maxaabiista halkaasina waxa uu kusoo arkay Maxaabiis shaqeyneysa oo soo saareysa Agabyo kala duwan oo u badan qalab Xafiiseedka IWM .

received_563608423799791 received_563608430466457 received_563608427133124

Previous Post

Culimada Soomaaliyeed oo cambaareeyay weerarkii Madiina ee dalka Boqortooyada Sacuudiga

Next Post

Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Next Post
Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Sawiro : Magaalada Nairobi oo lagu soo dhaweeyay Wafdi ka socda Galmudug

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

February 18, 2026
0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo...

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

February 18, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka...

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

Boqol Qoys oo Abaartu saameysay oo raashin gargaar ah lagu gaarsiiyay Buurhakaba

February 18, 2026
0

Buurhakaba, Baay – Boqol qoys oo ka mid ah dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay...

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

Wasaaradda Shaqada oo shaacisay Saacadaha Shaqada ee Bisha Ramadan

February 18, 2026
0

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay saacadaha shaqada inta lagu jiro bisha barakeysan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In