Wafdi isugu jira Wasiiro iyo Saraakiil Ciidan oo uu hoggaaminayo Ku-xigeenka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga Ra`iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda, Taliyayaal ciidan , Xildhibaanno waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Xubno sar sare oo ka tirsan Maamulka Jubaland.
Wafdiga waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen Madaxda dowlad goboleedka Jubbaland.