Golaha Wasiirada Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya ayaa Shirkoodii Todobaadkii lasoo dhaafay ku meel mariyay shariciga Isgaarsiinta Dalka, Kaas oo golaha ay ka doodeen kadib markii u horkeenay Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarisiinta.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa la soo gaarsiiyay nuqul kamid ah Codsigii Golaha Wasiirada ee looga dalbaday in Guddoonka Baarlaamaanku uu Ajendeyaasha horyaalla ku daro Ansixin Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Dalka.
Nuqulka ayaa lagu caddeeyay ahmiyadda uu qaranka Soomaaliya u leeyahay in la ansiyo Hindise sharaciyeedka Isgaarsiinta.