Munaasabaddaasi oo si qurux badan loo soo agaasimey ayaa waxaa ka soo qayb galey Boqollaal qof oo isugu jirey aqoonyahanno ka kala yimid dacallada Soomaaliya iyo daafaha dunida, madax ka tirsan maamulka Puntland, macallimiinta iyo ardayda jaamacadaha iyo dad kale oo xiiseeya arrimaha AfSoomaaliga iyo suugaantiisa, sidoo kale waxaa iyana madashaasi soo xaadirey khubarada ajnabiga ah ee ka kala ah Dr. Georgi Kapchits iyo Prof. Lidwien Kapteijns oo labaduba ah xeeldheereyaal wax badan ka qoray suugaanta Soomaalida.
Aqoon wadaagaaasi oo aad u xiisa badnaa ayaa Aqoonyahannadii casharada ka soo jeediyey waxaa ka mid ahaa Dr. Maxamed Daahir Afrax oo ka yimid Jabuuti, qoraa sare Axmed Faarax Cali {Idaajaa} oo ka yimid Nairobi, Maxamuud Diiriyoos oo ka yimid Maraykanka, Cabdullaahi Buraale oo ka yimid Norway iyo Maxamed sheikh Xasan oo ku sugan Garoowe.
Guddoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax oo Aqoon-wadaaggaasi daah-furay ayaa iftiimiyey qiimaha weyn ee ummadda Soomaaliyeed uu ugu fadhiyo afkooda hooyo, halista ku soo fool yeelatay iyo sida loogu baahan yahay in la isu wada kaashado badbaadintiisa, isagoo tilmaamay afku inuu yahay furaha aqoonta, aqoontu tahay albaabka horumarka, horumarkuna yahay hoggaamiyaha nolosha.
‘afka halbowlihiisa noloshu waa hal-abuurka suugaanta, kaas oo qoraalku u yahay hoyga ka celiya dayaca iyo darayada, kana dhiga dhaxal waara’ ayuu yiri Qoraa sare Dr. Afrax oo intaasi sii raaciyay in Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga ay tahay mid loo dhisay daryeelka afka qiimahaas leh iyo aqoon-faafinta afkeena hooyo.
Ruug cadaaga Axmed Faarax Cali Idaajaa oo ka mid ah maqaawiirta Akadeemiyaha ayaa isaguna wuxuu sii iftiimiyey qiimaha AfSoomaaliga iyo saamaynta halista ah ee uu ku reebay burburkii ku dhacay Soomaaliya, Wuxuuna hoosta ka xariiqay sida ay ugu soo duuleen afaf kale iyo sida ay tayo xumada badan ka muuqato ee loo adeegsado xagga qoraalka iyo xagga ku hadalka labadaba, isagoo sii raaciyey in baahi degdeg ah loo qabo wax-ka-qabadka dhibaatadaas.
Madashaasi oo aad u qiima badneyd waxaa sidoo kale ka hadley Cabdullaahi Buraale oo ka qeyb galayaashii aqoon wadaagaasi la wadaagey xog-warran ku saabsanaa xaaladda uu ku sugan yahay adeegsiga AfSoomaaligu guud ahaan qurbaha gaar ahaanna dalka Norway oo uu ka yimid, Wuxuu sheegay Norway iyo dalalka kale ee Scandinevia inay shaqaaleeyeen boqollaal macallimiin Soomaaliyeed ah oo AfSoomaaliga ka dhiga dugsiyada ay dhigtaan arday Soomaaliyeed iyo in ay jiraan jaamcado lagu dhigo AfSoomaaliga.
Ka qeyb galayaashii madashaasi oo aad ula dhacey aqoon wadaagaasi ayaa ugu dambayntii waxay su’aalo iyo tallo-bixin ay is weydaarsadeen soo jeediyeyaasha kulankaasi, Akadeemiye-goboledka afSoomaaliga ee isku soo duwdey aqoon wadaagaasi ayaa mar walba waxay ummadda Soomaaliyeed ku baraarujisaa sidii la isaga kaashan lahaa daryeelka iyo illaalinta afkeena hooyo ee hodonka ah.