Sunday, March 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Danjiraha Mareykanka oo waraaqihiisa u gudbiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya-Sawirro

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Danjiraha Mareykanka oo waraaqihiisa u gudbiyay wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya-Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Mareykanka u soo magacowday Soomaaliya Stephen M. Schwartz  ayaa nuqulka waraaqaha aqoonsiga danjirenimo waxaa ku wareejiyay wasiirka arimaha dibadda ee Soomaaliya mudane C/salaam Hadliye Cumar kadib markii maanta ay ku kulmeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Bracka Obama ayaa danjire  Schwartz si rasmi ah ugu magacaabay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Related posts

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026

Danjire  Schwartz ayaa sheegay in magacaabistiisa ay tahay calaamad muujineysa sida uu u xoogeystay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, isagoo noqoneya safiirkii ugu horeeyay Mareykanka u soo diraan Soomaaliya muddo ka badan 25 sano.

Waxaa uu intaa ku daray in uu ku faraxsan yahay in uu fursad u helo in dadka Soomaaliyeed uu ka caawiyo dhisamaha nabadda iyo xasiloonida wadanka ku yaala geeska Afrika ee Soomaaliya.

Danjiraha ayaa tilmaamay in mudada uu xilka hayo uu ahaan doono saaxiib dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin isla markaana gacan ka geysta sidii Soomaaliya u noqon laheyd wadan ay xoogan yihiin hey’adahiisa ayna yihiin kuwo dimoqraadi ah.

“Waxaan ka caawin doonaa xaqiijinta amniga, dhismaha hey’ado dimoqraadi ah,ku dhaqanka sharciga iyo kobaca dhaqaalaha Soomaliya,” ayuu yiri danjire Schwartz.

Ugu dambeyntii danjire  Schwartz ayaa amaanay horumarka ay Soomaaliya sameysay sideedii sano ee la soo dhaafay waxaama hogaamiyeyaasha Soomaaliya ku booriyay in wixii karaankooda ah ay ku bixiyaan sidii loo hagaajin lahaa nolashada dadka Soomaaliyeed gaar ahaan haweenka iyo dhalinyarada.

Danjiraha dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa dhowaan waxaa la fileyaa in uu ka guddoomo waraaqaha aqoonsiga safiirnimo madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya markaas oo uu noqon karo danjire xillkiisa gudan karo.

IMG_1469 IMG_1486 IMG_1512 IMG_1516 IMG_1517 IMG_1519 IMG_1520 IMG_1524 IMG_1531 IMG_1560 IMG_1581 IMG_1590 IMG_1591 IMG_1601 IMG_1603 IMG_1604

Sawir Qaade: Ibraahim Guudle

Previous Post

Taliyaha NISA : Qofka aan heysan warqadda aqoonsiga ma heli doono wax adeeg ah-Sawirro

Next Post

Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Next Post
Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Daawo Sawirada : Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo Imaaradka kula kulmay Saraakiil Sarsare

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Hindiya oo booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku xiran dalkaas

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO(INDIA):-Safiirka Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya oo xabsiga ku booqday muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo ku xiran dalka...

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

Akhriso:Qaar kamid ah waxqabadyadii Baarlamaanka 11-aad ee Aqalka Sare

March 15, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee 11-aad ayaa muddadii uu shaqeynayay ku guuleystay fulinta waajibaadyo muhiim ah oo kaalin muuqda...

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

Akhriso Afarta degmo ee isugu soo hartay tartanka

March 15, 2026
0

Akhristayaasheena sharafta leh waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga  Afar dhamaadka ee tartanka oo ay isugu soo hareen...

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 15, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In