Golaha wasiirada oo maanta kulankoodii caadiga ahaa isugu yimid ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin amniga dalka iyo ansixinta qaab siyaasadeedka dowladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada, waxaana shir-gudoominayay Raโiisal Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid.
Wasaarada amniga gudaha ayaa laga dhageysta warbixinta amniga kadibna waxey golaha u soo jeedisay in la ansixiyo siyaasadda dawladda ee isa soo dhiibayaasha kasoo laabta fikradda xag-jirnimada oo muddo 3 isbuuc ah horyaalay golaha, qaab siyaasadeedkaan ayaa ka hadlaya sida loo la dhaqmayo dadka ka soo laabta xagjirnimada, golaha wasiirada ayaana maanta si rasmi ah u ansixiyay qaab siyaasadeedka.
Wasaardda gaashaandhiga ayaa golaha warbixin ka siisay howlgalo maalmihii la soo dhaafay Ciidamada DANAB ay ka fuliyeen deegaano katirsan gobolada dalka, Wasiirka gaashaandhiga ayaa sheegay in horjooge qabiir ku ahaa sameeynta qaraxyadaoo katirsanaa kooxa argagaxisada in gacanta ay ku soo dhigeen ciidanka Soomajeestayaasha ah ee DANAB, wuxuuna wasiirka sidoo kale sheegay in maleeshiyaad badan oo katirsan nabaddiidka lagu dilay howlagaladaas, Wasiirka waxuu golaha ka hor sheegay in DANAB ay yihiin ciidan ay ku faani karaan dadka Soomaaliyeed islamarkaana u tababaran ciribtirka argagixisada, Sidoo kale golaha wasiirada oo uu hormuud u yahay Raโiisul wasaare Cumar ayaa boogaadiyay amaanayna dhamaan ciidamada qalabka sida gaar ahaan soomajeestayaasha DANAB.
Ugu dambeyntii Raโiisul wasaaraha Xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid oo soo xiray shirka ayaa ku booriyay dhaamaan Wasiirada, Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir xigeenada in ay la ilaaliyo hantida dowlada waqtiga isbadalka lagu jiro islamarkaana la laba-laabo howsha ay Ummada Soomaaliyeed u hayaan kana fogaadaan wax walba oo dalka u horseedi kara qalalaase siyaasadeed si dalka ay uga hirgesho doorasho xor ah.
—–DHAMAAD—–